Cabdirashiid Janan iyo dowladda oo heshiis gaaray

Beledxaawo (RH)-Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa maanta tegay magaalada Beledxaawo ee gobalka Gedo, halkaasoo uu kula kulmay wafdi dowladda federaalka ay ka dirtay magaalada Muqdisho.

Janan oo ciidamo badan wata ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Beledxaawo, waxa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, maamulka degmada Beledxaawo iyo shacabka magaalada.

Markii dambe waxaa saxaafadda la hadlay masuul ku hadlayay maamulka degmada Beledxaawo oo sheegay in maanta degmada magaalada ay farxad u tahay in ay soo dhaweeyaan wasiirkii amniga Jubbaland oo dowladda la heshiiyay iyo in uu wax walba ka doorbiday shacabka magaalada Beledxaawo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa sheegay in heshiiska dowladda ay la gashay Janan ay tusaale ugu filan tahay qof kasta oo raba in  ayaa sheegay inuu u tanaasulay dhibaatooyin faro badan oo uu sheegay inay wajahayaan shacabka gobolka Gedo, islamarkaan uu ula heshiiyay dowladda federaalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Abaarta, Xanuun & Soo labo kacleynta Coronavirus.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category