Baasuukihii buuraha Galgala looga baahnaa oo Xamar baagammuuddo ku ah.

Dhowr todobaad ka hor, xukuumadda Punland ee madaxweyne Deni hoggaamiyo, waxay la dhibtootay fadeexad aan weli qiil loo hayn, taas oo ahayd dhacdadii xabsiga weyn ee Bosaaso looga furtay 400 maxbuus, kuwaa oo Al-Shabaab inta, intii ilaalada xabsiga ka haysay dileen, saacad si nabad ah xabsiga ku dhex joogeen, dabeedna maxaabiista inta saf geliyeen liis dheer oo ay wateen kaa oo ayku qornaayeen maxaabiistii xabsiga uga xirnayd meesha ka yeeriyeen, dabadeedna intii iyaga ka xirnayd xabsiga ka kaxaysteen, intii kale ee danbiyada kale ugu xirnaydna fasaxeen.

Dhacdadani waxay bannaanka keentay daciifnimada laamaha ammaanka Puntland iyo dayaca ka jira sugidda amniga goobaha muhiimka ah ee xabsigu kamid yahay. Madaxweyne Deni isagoo tuute xiran ayuu subaxdii habeenkeeda weerarku dhacay tegey magaalada Boosaso, ha yeeshee safarkiisu wax isbeddel ah oo la sheego masoo kordhin, mana jiro illaa hadda wax la xisaabtan ama xil ka cayrin ah oo lagu samayey masuuliyiintii ammaanka gobolka iyo xabsiga oo ay muuqato iney howshan ka gaabiyeen, ciqaaabteeda ay ahayd inla mariyo.

Ilaalada madaxweynaha Puntland

Maalmihii dhowaa waxaa la werinayey warar sheegaya in ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira PSF, PMPF iyo ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland howl-gallo lagu baacsanayo Al-Shabaab ka samaynayaan buuraleyda Galgala, ha yeeshe iyadoo weerar celiskaas la sheegay in ciidamadu samaynayaan weli wax natiijo ah laga gaarin ayaa saaka lagu waabaristey ciidamo Baasuukayaal, BKM iyo hub kale oo culus ku lebbisan oo Xamar ka tegey kuwaa oo la sheegay iney cadow ka waardiyeyn doonaan Madaxweyne Deni oo halkaa shir uga qayb-geli doona.

Iswaydiinta hadaba meesha taal ayaa ah, yaa laga waardiyeynayaa M/weyne Deni ee cutubyadan hubaysan Xamar loogu daad gureeyey? Yaa weeyeh cidda dili karta Madaxweyne dowlad goboleed oo si sharci ah xukunkiisa ku jooga? Yaa weeye???.

Garaad-keennu ma aqbali karo in la iska dili karo qof jooga maskabka Deni oo kale maanta, iska daa dil e xitaa isku day ayaan lagu samayn karin! Dhoolatuskani-seh wuxuu u muuqdaa jawaab ku socota ciidamada lagu magacaabo Gorgor iyo Haramcad oo Deni horay u sheegay inuu ka cabsado. Cabsi daasi seh waa mid caqligu diidayo oo aan sinaba maangal u ahayn maalintan aynu joogno.

Askariga Puntland ee Xamar Baasuukaha kula baagammuudaynaya waxaa jira meelo looga baahnaa oo ay ugu horrayso Galgala iyo Xaduudaha oo Puntland dastuurka ugu qoran.

W/Q: Farah Abdulkadir Mohamed

-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Falladan waxa ay u gaar tahay qoraaga, kama turjumeyso siyaasadda Radio Hormuud.

Category