BAASABOORKA DENMARK WAA INUU GACMO AMAANO AH KU JIRAA

Waxa qoray: Guddoomiyaha Xisbiga Venstre mr. Troels Lund Poulsen 

RH: ''maanta waxaan soo jeedinayaa isbeddel weyn. Isbeddel xaqiijinaya inaan si ka wanaagsan u xakameyno cidda mudan inay qaadato baasaboorka Denmark.

Marka hore, tixgelin yar: Marka ay dadku halkan u soo guuraan, ee ay dalka Denmark qaayibaad ku qaabilaan, bartaan dhaqankeenna, oo ay la qabsadaan hab-nololeedkeenna, sida caadiga ah waxay guul weyn u tahay dhammaanteen.

Dadka doorta inay Denmark ku noolaadaan waxay gacan ka geystaan inaynu helno maskax aqoon leh iyo gacmo ammaan ah oo u adeega shirkadaheenna iyo daryeelkeenna, taasna waxay xoojisaa dhaqaalaha Denmark.

Nasiib darrose, mararka qaarkood waxaynu dhalashada siinnay dad markii dambe muujiyay inaysan mudnayn.

Sida ay hadda wax yihiin, aad bay u adag tahay in qof laga qaado dhalashada marka mar la siiyo—xataa haddii ay falalkooda dambiyeed si cad ugu muujiyaan inaysan rabin ka mid ahaanshaha bulshada Denmark.Sidaa darteed, waa inaan si adag u xakameynnaa cidda helaysa dhalashada Denmark.

Sida xeerarka hadda jira ay yihiin, muwaadiniinta cusub waa inay galaan dambi "si weyn u dhaawacaya danaha muhiimka ah ee Denmark" ka hor intaan xataa laga hadlin ka qaadista dhalashada.Taasina waa halbeeg aad u sarreeya.

Tusaale ahaan, rabshadaha culus iyo kufsiga looma aqoonsana dambiyo "si weyn u dhaawacaya danaha muhiimka ah ee dalka". Laakiin dambiyada caynkaas ah waxay si cad u muujinayaan in qofkaas uusan rabin ama uusan u qalmin dalka Denmark.

Sidaa darteed, waxaan soo jeedinaynaa in mustaqbalka dhalashooyinka cusub ee la bixinayo ay noqdaan kuwo shuruud ku xiran shanta sano ee ugu horreysa marka la qaato.

Haddii muddadaas qofka lagu xukumo xabsi aan dib loo dhigin (ubetinget fængsel), wuxuu luminayaa dhalashadiisa.

Inta badan dadka qaata dhalashada Denmark waxay u dhaqmaan si lagu daydo, waxayna gacan ka geystaan dhismaha bulshada. Waxay mudan yihiin mahadnaq maaddaama ay doorteen Denmark, mana jirto wax ay ka baqaan oo ku saabsan soo-jeedintayada cusub.

Sumcaddooda iyo magacooda ma aha in ay kharribaan dadka tirada yar ee doorta waallida iyo rabshadaha intii ay dalka Denmark qaddarin lahaayeen. Sidaa darteed, waxaan rabnaa inaan soo kordhinno dhalashada shuruudda leh.Sababtoo ah baasaboorka Denmark waa inuu ku jiraa gacmo sax ah.

Category