Ahlu Sunna Maxay hadda rabtaa? Warar dheerad ah

Muqdisho (RH)- Qaar ka mid ah Sanatarada iyo Xildhibaannadda ka soo jeeda deegaannada Galamudug gaar ahaanna magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa si adag ugu eedeyay xoggaga Ahlu sunno Waljameeca inay ka soo horjeedaan nabadda iyo degganaashaha ka jira deegaannadaasi ayna donayaan in ay xukunka xoog iyo xabad kula wareegaan.

Sanator Cabdixakiim Macalim oo ka mid xildhibaannada cusub ee Aqalka Sare kuna matala dowladda federaalka degaannada xiisadu ka taagantahay ayaa sheegay in aysan aqbali doonin tallaabooyinka Ahlu Sunna ay qaadayso ayna u arkaan kuwo ay ku raadinayaan waddo ay gorgortan kula galaan dowladda cusub ee la filayo in ay timaaddo.

"Wadaaddaan siyaasiinta ah ee xillalka iyo xukunka doonaya anigu sidaan u arko waxay dhaqan ka dhigteen dowlad walba marka ay afar sano dhamaato oo mid kale la soo dhisayo inay xoog ciidan adeegsadaan oo ay isa soo muujiyaan oo markaasi ay raadiyaan qorshayaal cusub oo dowladda cusub ay qayb uga noqdaan"ayuu yiri Sanatar Cadixakiim Macalin.

Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda aaney garaneynin waxa ay tabanayaan ama ay rabaan Culuma-udiinka Ahlu sunno oo sida uu sheegay horey deegaanka uga tagay iyaga oo qanacsan si wanaagsanna loo sagootiyay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo isana ka mid ah Xildhibaannada federaalka Soomaaliya ee wakhtigoodu sii dhamaanayo kana soo jeeda Galmudug ayaa horey bartiisa faceboog ugu soo qoray qoraal uu ku muujinayay inuu ka soo horjeedo tallaabooyinka soo cusboonaaday ee Ahlu sunno ka bilowday deegaannada Galmudug. Qoraalka Xildhibaan Mahad ayaa sidaan u dhignaa "Galmudug waxay leedahay maamul iyo madax la doortay. Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo furimo cadow ku furanyihiin kuwa dhabarka xabadda ka saaraya waa cadow dadka iyo dowladnimada Galmudug ku soo duulay waana waajib in gacan bir ah lagu qabto".


Inkasta oo Ahlu sunno sheegtay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay la dagaallamaan Al-shabaab haddana Sanatar Cabdixakiim Macalin ayaa aaminsan in taasi ay tahay arrin aan sax ahayn,wuxuuna sabab uga dhigay in Ahlu Sunna ay dagaal la galeen ciidamada amniga maamulka Galamudug oo waliba waxaa uu yiri:"Haddii ay doonayaan in ay Shabaab la dagaallamaan ciidamada amniga ee Shabaabka ku sii jeeday dhabarka kama toogteen".

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ahlu Sunna aaney mas'uuliyadda amniga deegaannada Galamudug saarneyn ,maadaama meesha uu ka jiro maamul arrimahaan u xil saaran.

Sanator Cabdixakiim Macalim oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in dhamaan siyaasiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka deegaanka ay ka soo horjeedaan dhaqdhaqaayada Ahlu Sunna iyo xaallada colaadeed ee hadda ka taagan gobalka.Wuxuu sheegay in mamaulka Galamudug ay ku garab taaganyihiin wixii go'aanno ah oo xaaladda hadda taagan laga yeelayo.

Sanatarka ayaa ku tilmaamay arrin aan suurta gal aheyn in wadahal lala yeesho Ahlu Sunno maadama ay deegaanno qabsadeen oo ay xoog wax ku raadinayaan wuxuuna intaa raaciyay in kaliya ay suurta gal nqonayaan wadahadallo marka ay ka baxaan deegaannada ay hadda qabsaden.

"Nin xoog ku qabsaday magaalooyin xooggna ku socda marka uu hadlayana afka malab ka tufaya oo been sheegaya wax lagala hadlo ma jiraan,haddii lala hadlayo waa inay banneeyaan deegaannada ay xoogga ku qabsadeen"ayuu yiri Sanatar Cabdixakiim.

Qaar ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna

Ahlu Sunna ujeedkoodu muxuu yahay?

Xiisad ayaa weli ka taagan gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya kaddib markii dhawaan ciidamo ka tirsan ururka Alhu Sunna Wal Jamaaca ay qabsadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, Khamiistiina uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Bohol oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay dad ku dhinteen.

Dagaalkan ayaa salka ku haya khilaaf hore uga dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Bishii Febraayo ee sanadkii hore ayaa hoggaamiyeyaasha sare ee ururka dagaal looga saaray magaalada Dhuusamareeb, kahor inta aysan dhowr toddobaad kahor u imaan gobolka, iyagoo u yimid ka qeyb galka siyaaro ka dhacaysay deegaanka Huurshe ee iska gobolka Galgaduud.

Hoggaamiyaha ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in maamulka Galmudug meeshii uu la dagaallami lahaa Al-Shabaab ay soo weerareen ururka Alhu Sunna.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn ee ay u joogaan gobolka Galgaduud uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo in la hagaajiyo wixii ka khaldan sida uu sheegay maamulka Galmudug.

Xiggasho: BBC

Category