15 Qof Oo Cudurka Covid.19 Ugu Geeriyooday Somaliland iyo 367 Laga Helay

Hargeysa(RH):-Inta la hubo 15 qof ayaa guddaha Somaliland ugu geeriyooday Cudurka COVID19, 11-kii maalmood ee u horreeyey bishan aynu ku jirno ee March, halka 367 qof oo kalena laga helay in ay qabaan cudurka Covid.19 oo wakhtigan u muuqda mid ku fidiya guddaha Somaliland.

Sida ay muujinayso warbixinta maalinlaha ah ee ay soo saarto Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa lagu sheegay in tiradan ku dhimatay cudurkan 11 maalmood ee u dambeeyey, iyada oo tiradani ah inta la ogyahay ee u geeriyootay ee Wasaaraddu baadhitaan ku ogaatay, halka 367 kale yihiin dadka iyagu iska baadhay xannuunkan.

Tiradan laga helay Xannuunkan iyo tirada u dhimatay, ayaa muujinaysa halista iyo faafitaanka cudurkan ee bulshada dhexdeeda, taas oo loo aanaynayo in korodhkeeda ay ka qayb qaateen munaasibaddaha murrashaxiinta ee maalin walba la qabto, kuwaas oo boqolaal dadweynaha ahi isugu yimaadaan Huteellada.

Sidoo kale, waxa iyadu faafitaanka cudurka qayb ka ah qurbo joog badan oo dalka ku soo noqonaya iyo weliba dad ka soo noqonaya dalka Somalia oo uu wakhtigan faro baas uu ku hayo Cudurkani.

Bulshada Somaliland, ayaa looga baahan yahay in ay muujiyaan taxadir dheeraad ah muujitaan, isla markaana ay qaataan tallooyinka caafimaadka ee loo jeedinayo.

 

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Mud: Cumar Cali Cabdilaahi oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda H Caafimaadka JSL Mud Mahdi Cismaan Buuri Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta kulanka deg-deg ah  la qaatay guddiga Farsamada ee Coronavirus ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa deddaalka loogu jiro kahortaga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa deddaal adag oo joogto ah ugu jirta horumarinta adeega caafimaad ee dalka iyada oo xiligan ku hawlan kahortaga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa bulshada ka wacyigaliysa halista xannuunka Covid-19 iyada oo bulshada u jeedinaysa in lagu dhaqmo fariimaha Wacyigalinta ee ka hortaga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19.

 

Category