Garowe (RH)-Wararka ka imaanaya degmada Bareeda ee gobolka Gardafuul oo ka tirsan Puntland, ayaa sheegaya in halkaas uu ku soo caariyay Nibiri aad u weyn oo calooshiisa laga helay 30kg oo Cambar ah.
Warbaahinta iyo dadka deeganka ayaa sheegay in la qaybsaday cambarka laga helay nibiriga, waxaana loo qaybsaday sidan.
40% waxaa cambarka la siiyay kooxdii gacanta ku soo dhigtay, 30% waxaa la sheegay in la siiyey maamulka degmada iyo ciidanka ammaanka degmada Bareeda, halka 30% la siiyay kalluumaysatada deegaanka.