Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa  maanta kulan kula yeeshay Xarunta Wasaaradda Madaxda Ururrada Saxaafadda iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta, kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii looga wada shaqeyn lahaa wacyigelinta Xakameynta xannuunka COVID 19.

Hargeysa(RH):–Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland.

Hargeysa(RH):-Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Ayaa laga helay xanuunka Covid-19.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somailand Ahna Gudoomiyaha Gudida ka Hortaga Xanuunka Covid-19 ee Somaliland  oo caawa qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland khadka Telefoonka ugu waramay ayaa xaqiijiyey in uu maalmihii u dambeeyey la tacaalayay Xanuunka Coronavirus xaaladiisa caafimaadna ay hada aad u fiicantahay.

 

Hargeysa(RH):-48 qof ayaa ku dhaawacmay Dab-weyn oo galabta ka kacay machad lagu barto culuumta diinta oo ku yaala magaalada Hargeysa kaasi oo lagu magacaabo Dacwa.

Ciidanka Dab-demiska oo goobta ka hawlgalay ayaa soo samatabixiyey dhammaan dadkii, iyadoo la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Caasimada Hargeysa.

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Todobadii maalmood ee u dambeeyey Cudurka Covid.19 laga helay 119 Qof

 

Dadka laga helay   Cudurka Corona Virus oo dhamaantood u dhashay Somaliland ayaa tirada ragga ah ee laga helay cudurka, wasaaraddu ku sheegtay 73, Rag ah iyo 46, Dumar ah.