Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa todobaadkan Shir muran badani ka hadhay la qaatay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Siciid Sulub Maxamed, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Maxamed Nuur Caraale Duur.

Siyaasiyiintan ayaa markii ay u galeen Madaxwaynaha oo uu la joogo Siyaasi Cali Mareexaan salaan ka dib dalbaday in Cali Marxeen wakhti siiyo Markii uu is yidhi kacna waxaa dhacday in Muuse Biixi dalbado in Cali Mareexaan iska fadhiyo,

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay hudheelada habeenkii munaasibadaha ama cawaysyada lagu qabto waxaana lagu Amrey in ayna habeenkii  ka danbayn  karin laba iyo tobanka habeenimo oo toban dhiman. 11:50 habeenimo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in guud ahaan dalka aanay ka ogolayn hudheel lagu caweeyo Habeenkii xiliga danbe,

Berbera (RH)Saldhigii Millatari ee Dalka Imaaraadka Carabtu  ka dhisanayeen  magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si  la sheegay in la furi doono Bisha June ee sannadka fooda innagu soo haya.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu daabacay  Warsidaha  Bloomberg  ee dalka Maraykanka. Warku wuxuu intaas ku daray saldhiga Millatari ee Imaaraadka  hawlaha uu qaban doono ay ka mid tahay inuu ilaaliyo xeebaha Somaliland.

Boorame(RH)Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa   maanta xadhiga  ka jaray  wershad cusub oo soo-saari doonta  furshaanta  oo la yidhaahdo Royal Industry  oo laga furay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

Burco(RH)Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan X Cali Axmed ayaa Kulan muddo saacado ah qaatay  la yeeshay  Maamulka Gobolka Togdheer, iyo kuwa Degmada Burco, Madaxda Ciidamada Asluubta & Booliiska ayaa  diirada lagu saaray wada shaqeynta ka dhexeysa maamulka Gobolka & bahda Garsoorka, iyo nidaamkii dadweyne dhexdegan dhismaha Maxkamada dib-u-dejin loogu heli lahaa.

Hargaysa(RH)Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa Magaalada Hargaysa ku daahfurtay Aqoosiga Wadida Gaadiidka Dadweynaha  (Driving License) cusub oo casri ah, munaasibadan ayaa wax ka qayab galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Agaasimayaal Guud, Xildhibaano, Sulaadiin, Garaado, Cuqaal, Waxgarad Masuuliyiinta iyo Hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka, Mulkiilayaasha Macdarada Gaadiidka lagu Gado, sidoo kale Maamulayaasha iyo Macalimiinta Dugsiyada lagu barto Wadida Baabuurta,  iyo Dadweyne kale.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, Mr. Nicholas Haysom.