Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan muhiima la yeeshay  hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeennadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

Hargeysa(RH)Sannad ayey ku buuxdaa markii  tallada dalka ay  qabatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana taariikhda u gashay Jamhuuriyadda Somaliland in xafladdii caleemo-saarka Madaxweynuhu uu xilka kula wareegayey 13kii December 2017kii, ay kulmisay saddex madaxweyne oo si dimuqraadi ah loo soo doortay oo xilka mid walba  si salmi ah u wareejiyey markay dhammaatay muddadii xil hayntiisu.

Hargeysa(RH)Masuuliyiin tiradoodu dhan tahay 15-xubnood (Shan iyo toban) oo xilal ka haya hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland  ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan Iimaan, guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, xubno katirsan guddiyada Maamul-wanaagga, Dhawrista Tayada iyo Xuquuqal Insaanka,

Hargeysa(RH)Bandhiga Carwadii 8'aad ee Ganacsiga Somaliland oo Guleed Hotel Hargeysa ka socotay 9-15 December 2018 ayaa si rasmiya loo soo gabagabeeyey.

 

Carwadan oo ah mid sanadkiiba hal mar Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland ku qabato Hargeysa, ayaa ahayd tii 8'aad ee heer Caalami ah ee Rugta Ganacsiga, Beeraha iyo Warshadaha Somaliland soo qabanqaabiso, taasi oo sidoo kale ahayd tii ugu balaadhnayd uguna muga weynayd ee abid lagu qabto Somaliland.

 

Addis-Ababa(RH)Madaxweynihi hore ee Dalka Itoobiya ayaa xalay ku geeriyooday Cispitaal ku yaala magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya

Geerida madaxweynaha  ayaa waxaa baahisay Ethiopian Press Agency isla markaana waxay sheegtay in Madaxweynihi hore ee Itoobiya inuu Xalay saqdi dhexe uu ku geeriyooday Isbitaalka ciidamada ee Tor-hayloch oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.