Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa  maanta magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo  xeer-ilaaliyaha guud. Waxaa uu sidoo kale magacaabay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyeyaal kale.

Mudane Biixi waxaa uu gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar) u magacaabey guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ee derejada koowaad ee gobollada galbeedka.

Hargeysa(RH)Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa shaaciyey in Golaha Guurtiddu fadhi aan caadi ahayn iskugu iman doono maalinta Sabtida  ee taariikhdu tahay 12ka Bishan January.

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa, Md. Cabdirashiid Beergeel ayaa shaaca ka qaaday in dacwadaha Ciqaabta ee Maxkamada soo galay Sanndkii dhamaaday ee 2018 oo gaadhayeen 1,038 dacwadood, dhamaantoodna dhamaadeen.

Gudoomiye Cabdirashiid oo maanta kulan ku qabtay Xafiiskiisa uu kaga waramayey waxqabadkii Maxkamada Degmada Hargeysa ee sannadkii dhamaaday ayaa hadalkiisa ku bilaabay: