Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladdu isticmaalan Astaanta Qaranka oo khalad ah, taas oo aan waafaqsanayn qaabta Dastuurku u asteeyay Astaanta Qaranka Somaliland. Astaanta saxda ah iyo tan khaldan ee wasiirku soo bandhigay ayaa ku kala duwan midabka qaabka guud.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xakameyn ku sameeyey kharashaadka dawladdiisa, waxaana sannadkii hore uu golahiisa wasiirrada u gudbiyey waraaq sheegaysa in wixii kharashaad ah ee ka badan $5000(Shan kun oo Dollar) aanay  saxeexi karin Wasiirradiisu isla mar ahaantaana saxeexa kharashaadka caadiga ah ee ka badan $5000 saxeexeeda loo la imanaayo Madaxweynaha.

 

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha  Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka soo dabcay mawqifkii uu ka taagnaa xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee lagu marunsan yahay kala diristooda ka dib culeysyo badan oo kaga yimi wadamada Somaliland ka taageera hannaanka dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, waxaana la sheegay in ay ku goodiyeen in aanay aqbali karin dib u dhac ku yimaadda Doorashooyinka Dalka.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa ku bookhday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door , ka dib markii uu ku soo booday xanuun kedis ah oo ka haleelay lugta iyo gacanta bidix.