Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Heegan Buuxa la galiyey u diyaargarowga xuska Munaasibada 18 May Awgeed .Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ka Hadley U jeedada ka damabaysa in ciidanka Heegan la galiyo ayaa waxaa uu yidhi:-

 

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed  ahna guddoomiyaha guddida qaban qaabada  28 Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay ayaa sheegay in xuska dabaal dega maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May la qaban doono Maalintii ay ku taariikhaysneyd ee 18 bisha Shanaad.

Nairobi(RH)Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland.

Hargeysa(RH)Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid Ee Somaliland ayaa maanta Heshiis Wada Gaadhay Uu ka maqanyahay Xisbiga Waddani ,labadan Xisbi ee  Ucid iyo Kulmiye ayaa sheegay inay ku fashilmeen wadda hadaladii mudada u socday  saddexda xisbi qaran sidaa daraadeedna ay labadooda xisbi oo keli ahi gaadheen heshiis rasmiya.

Hargeysa(RH)Waxaa maanta  Magaalada Hargeysa ka Furmey Shir lagu ansixinayo Siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka Somaliland ,shirkan ayaa socon doona mudo laba maalmood ah waxana shirkaasi inta uu socdo lagu lafa-guridoonaa  qabyo-qoraalka siyaasadda Shaqo Abuurka Qaranka oo ay si wada jir ah iskaga kaashadeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Shaqo-Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo uu taageerayo Baanka Adduunku.