Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u d

Hargeysa(RH)Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ugu baaqay beeralayda dalka in ka faa’iidaaytaan roobabka da’aya oo ay laban laabaan wax soo saarka.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland , oo la Hadley warbaahinta waxa uu sheegay in ay qaadanayaan masuuliyada ka saaran beeralayda. Waxaanu intaasi ku daray in ay sameeyeen kooxo wasaarada beeraha ka socda oo gacan ka gaysan doona wixii caqabado ah ee la soo dersa beeralayda Somaliland.

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Barnaamijka la magac baxay  Waxbarashadu ma sugi karto ee ( Education cannot wait) kaasi oo ay qaban qaabadiisa lahayd Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakaceyaasha Qaranka Somaliland  Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa qalab cusub oo lagu diwaangelinaayo xogta Barokaceyaasha  Somaliland kala wareegay hay’adda IOM.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa sheegay in ay hay’adda Qaxoontiga iyo Barokaceyaasha Somaliland ay baahi weyn u qabtay qalabkan, ayna doonayaan in ay ku diwaangeliyaan dadka barokaceyaasha  ah ee ku sugan Somaliland.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hambalyo iyo mahadnaq uga diray Golaha Deegaanka Birmingham oo ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

sidaasina waxaa lagu sheegay War-saxafadeed Caawa ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland Oo U Dhignaa sidan:-

                                DHAMBAAL MADAXWEYNE