Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xaflada qalin jabinta Dufcadii 9aad ee Jaamacada Addis Ababa Medical University ee Magaalada Hargeysa oo ay ka qalan jabiyeen 153 arday.

 

Jabuuti(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa gaadhay dalka Jabuuti, waxaana weftiga Madaxweynaha Madaarka ku soo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan dawladda Jabuuti.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 40-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxay dood dheer ka yeesheen arrimo la xidhiidha wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,  safiirada iyo ergooyinka beesha caalamka ee Somaliland hawlaha shaqo u yimaada iyo hay’adaha UN-ka, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee k

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Ka Hadlay Heshiis Magaalada Muqdisho Ku Dhexmaray Dawlada Soomaaliya Iyo Midawga Yurub.

 

Heshiiskan oo ku saabsanaa maalgelin uu midawga yurub ku samaynayo horumarinta magaalooyinka muqdisho iyo berbera ayuu gudoomiye faysal ku tilmaamay mid baalmarsan nidaamkii ay somaliland qaadhaanka kaga heli jirtay midawga yurub.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxa uu maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 16-aad ee Jaamacadda Hargeysa ka qalin-jebisa oo dhamaa 883 Arday laguna qabtay isla jaamacadda, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey mac-hadka nabadda iyo xalinta khilaafaadka, waxaanu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo ka socda jaamacadda.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa ka hadlay roob dabeyl watay oo galabta ka da’ay caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda, kaasi oo ay ku dhinteen 3 qof, halka 18 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen roobkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo caawa Xarunta wasaaradda Warfaafinta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 18ka qof ee dhaawacmay ay badidoodu ladan yihiin, islamarkaana labadii qof ee u cuslaa ay  hadli karaan.

Hargeysa(RH)Allah ha U Naxariistee Saddex Qof ayaa Ku Geeriyootay Tiro intaa ka badana waxaa soo gaadhay Dhaawacyo kala duwan ka dib Roob weyn oo dabeylo watay oo caawa fiidkii ka da”ay Magaalada Hargeysa.

Roobkan ayaa sidoo kale Dumiyey Guryo badan oo ku yaalay Xaafadaha kala duwan ee Caasimada Hargeysa.

Hargeysa(RH)Xisbiga  Mucaaridka ah ee WADDANI Ayaa Maanta ka Hadley Shir maalintii shalay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku dhexmarey Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyadda qaranka kaasi oo ujeedadiisu ahayd sii amba- qaadka heshiishkii saddexda xisbi qaran hore u dhexmarey

Sidaasina waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga  Mucaaridka ah ee WADDANI Oo u dhignaa sidan:-