Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku  xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibado ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadaha Beder International University (BIU) iyo Frantz Fanon University (FFU) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa,

 

Maydh(RH)Kalluumeystadda degmadda Maydh ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in xiligan oo ah wakhtigii Bad-furanka aanu shaqeynaynin, Baraf-dhaliyihii magaaladdu kaasi oo in mudo ah xumaa, islamarkaana aanay heynin meel ay u iibgeeyaan Kalluunkoodii iyo meel ay ku keydiyaan toona.

Hargeysa(RH)Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ciidammada milatariga ee ku sugan xeebaha galbeed ee Somaliland kala wareegtay 11 harimacad oo ay gacanta ku soo dhigeen, kuwaas oo la doonayey in laga dhoofiyo xeebaha gobolka Salel ,iyadoo lagu soo qabtay afar qof.

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta, waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Kampala(RH):-Dawladaha  Somaliland iyo  Uganda ayaa  wada gaadhay heshiis dhanka macdan baadhista iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dhinacyada Tamarta iyo Macdanta,

Wasiirka Tamarta iyo  Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay inay is-afgarad ku gaadheen kulan dhexmaray Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo macdanta dalka Ugaandha Hon. D’ujanga Simon.

Hargeysa(RH)Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay inay sii wadayso mashaariicda la xidhiidha  horumarinta ee ay ka waddo Jamhuuriyadda  Somaliland.

 Danjire ku-xigeenka  Jarmalka u fadhiya Kenya, Marcus Bollmohr ayaa sheegay in cilaaqaadka ay Somaliland la leeyihiin uu wanaagsan yahay, waxaanu kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi Baashe Cawil Cumar oo ay ka wadahadleen  kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta wershadaha.

Hargeysa(RH)Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ayaa shaaciyay Shirkado ku guulaystay  laba mashruuc oo loo fuin doono Hayada Dhawrista Tayada Somaliland.

ugu horeyn horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Hayada Qanadaraayada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ku dhawaaqay Shirkadaha ku guulaystay mashaaariicda isagoo ku booriyay in ay kasoo baxaan waajibka ay qaadeen .