Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Waxaa maanta caasimada Somaliland ee Hargeysa lagu qabtay  munaasibad balaadhan oo lagu  xusaayey, xuska maalinta Caalamiga ah ee Xannuunka HIV/AIDS, waxaana munaasibadaasi soo qaban qaabiyey  komishanka Xakamaynta Aydhiska, waxaana kasoo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka, Warfaafinta iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay  Shir Gudoonka Golayaasha Guurtida & Wakiilada iyo  guddidii hore ee doorashooyinka qaranka Somaliland oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici)

Hargeysa(RH)Shirkadda DP World  ayaa shaacisay inay ka go’an tahay inay dekedda Bebera ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigto mid casri ah oo heer caalamiya.

Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder, ayaa sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu  muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Saddex Qoddob oo dalku  ku gaadhi karto Hodantinimo dhaqaale.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin   uu daabacay maanta Warsidaha East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda, oo ku saabsaneyd shirkii maalgasjhiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tamarta ee dawladda JSL ay khamiistii ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hargeysa(RH)Kalfadhigii 48-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu  ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel  lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen: