Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukunkii ugu horeeyey ku riday afar nin oo si sharci daro ah Jaad dalka u soo galiyey iyo laba Baabuur oo ay Jaadkaas ku wateen.

Ugu horay xukunkan ayaa lagu dhageystay hoolka dacwadaha ee maxkamada gobolka Maroodi-jeex, dacwadaas oo loo haystay shan eedaysane oo si sharciga baal marsan Jaad u soo galiyey dalka iyo labadii Gaadhi ee lagu soo gudbiyey jaadkaas.

Hargeysa(RH):-Hooyo Shamis Faarax Maxamuud Waa  hooyadda qoys ka kooban koob iyo toban qof, muddo 17-sano ku dhow ayay agabka iyo cuntada ay ardaydu u baahan yihiin iyo macmacaanka ku iibinaysay afaafka hore dugsiga Hoose Dhexe ee Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, laakiin muddo ku dhow bil hadda shaqadaas may qaban maadama ay dowladdu xidhtay iskuulada Somaliland oo dhan, si loo xakameeyo khatarta Karona Virus.

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in deeganadeeda aan laga fulin Karin barnaamij la yidhaahdo baxnnaano, oo dhawaan uu daahfuray Madaxweynaha dawladda Soomaaliya .

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in deeqaha uu caalamku siiyo Maamulka Somalia ay u adeegsadaan falal lid ku ah amniga iyo qarannimada Somaliland Waxaanu u dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH):-Ganacsatada suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa bilaabay hab fudud oo ay ku baranayaan culuumta Diinta iyaga oo hawlahooda shaqo iska wata.

Akhriste warbixintan kaga hadli mayno waxyaabaha suuqani lagu kala iibsado, balse waxaa aan idinla wadaagi doona arrin cajiiba oo ka duwan waxyaabihii aynu hore uga warami jirnay mar aanu Bookhanay Suuqani Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Hargaysa(RH):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  si qoto dheer uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isagoo bulshada la wadaagay tallaabooyin dhinaca taxadarka ah oo ay xukuumaddu qaadday, kuwaas oo loo qoondeeyey in lagaga hortago xanuunka COVID-19.