Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Nicholas Berlanga, ayaa kulan ay wada yeesheen kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin taageerada midawga Yurub uu siiso Hay’adda Garsoorka iyo bahda caddaaladda Somaliland.

Hargaysa(RH):-Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa  kormeer ku tegay mashruuca dhul beereedka deegaanka Abu-riin ee degmadda Faraweyne, ee gobolka Maroodijeex.

Dhul beereedka Abu-riin ayay wasaaradda beeraha Somaliland ka wadaa  mashruuc dhul beereed oo ka caawinayaan qaar ka mida hay’adaha wasaaradda la shaqeeya, halkaasoo sanadkii hore ay wasaaradu ka bilawday mashruucaasi.