Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA) iyo guud ahaan bahda saxaafadda ayaa  si wadda-jir ah baaq ugu soo jeedinayey maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo ah in  si deg-deg ah ay u guda-gasho dacwaddii uu ururku u gudbiyay maxkamadda 23 bishii August 2020 kaasi oo ay ku dalbanayeen in gebi-ahaanba la joojiyo dambiyaynta mihnadda Saxaafadda oo meesha laga saaro Xeerka ciqaabta guud laguna bedelo shuruucda madaniga ah ee uu dhigayo Xeerka saxaafadda Somaliland ee 27/2004 iyo xeerka kale ee habka madanig

Hargeysa(RH):-Fadhigii 65-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Tog-Wajaale(RH):-Allah Ha U Naxariistee Afar Qof ayaa ku Geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu ku soo dumay dhisme Bakhaar ah oo ay ka shaqaynayeen oo ku yaala Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya

 

 

Hargeysa(RH):-Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland Cabdisamad Sacad Xasan,ayaa ka hadlay  gurmad ay ugu jiraan sii daynta maxaabiista muddo dhaafka ah ee xukunkii ka dhammaaday balse wali xidhan,halista cilaajyada ka jirta iyo meelaha caddaalada looga baahan yahay in laga toosiyo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay dhibaatada la deriska ah dadka naafada ah oo uu sheegay in ay yihiin dadka ugu nugul ee loo baahan yahay in wax lala qabto.

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beesha calaamka u sheegtay in aanay Somaliland wax shaqo Ah ku lahayn doorashooyinka Dalka Soomaaliya .

Dhinaca waxa ay dawladda Soomaaliya uga digtay in ay ka wantoobaan sheegashada dhulka Somaliland, waxa sidaa lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha debadda Jamhuuriyadda Somaliland oo u dhignaa sidan:-