SHEEKO DHAB AH Sixirkii Qarsoonaa!!

Gabiley (RH)- Waxaan ku waayey #caafimaadkaygii 
Waxaan ku waayey #Shaqadaydii 
Waxaan ku waayey farxadii gurigayga
Waxaan ku waayey #sharaftaydii 

Waxaan ku waayey asxaabtaydii qeyb ka mida.

Waxaan ka hadlayaa waa application ama waxa loo yaqaano 1XBET oo ah aalad la ciyaaro oo lacag lagu shubo oo laga helo ama laga waayo.

Noloshayda oo isku toosan oo wax walbaaba sidii ugu fiicnayd ay u yaalaan ayaa maalin aanu kulanay nin aanu sxb nahay , intii aan la joogay ayuu i yidhi "lacag maku siiyaa "?
Dabcan waxaan idhi "haa lkn halkee ayaad ka keentay lacagtan "?.

Wuxuu igu yidhi waxa laga helaa application kan 1xbet.

Wuu I fahansiiyey sida loo ciyarayo iyo sida lacagta loogu shubaayo iyo sida looga saraayo.

Waan bilaabay waxayna ahayd markii ugu horeysay ee cidhiidhiga noloshayda.

Wax aan waddaba waxaan is arkay anigoo aan lahayn hammi kale iyo fikir kale ilaa inaan lacag helo oo aan ku shubo 1xbet si aan lacag uga sameeyo.

Waxyaabaha cajiibka ah ee aan kubogaaday in ay sixir tahay dad badana iiga sheekeeyeen waxaa ka mida " waxaad lacag weydiinaysaa qof aanad waligaa lacag weydiiseen oo kugu qaaliya inaad xishooto waxa kaaga weyn in aad lacag ku shubo application.

Qaar ka mida saaxiibaday oo aanu meel ka wada shaqaynay mid ka mid ahi wuu u geeriyooday stress kii iyo buuqii ku dhacay markii uu ku waayey lacag ka badan 30,000 dollar.
Aan sii wadee waxaan Maamulebka noqday dhakhtar ka mida kuwa ugu fiican Ilkaha oo la odhan jirey Daa'if wax walbaaba wey toosnaayeey oo Game kan inaan ciyaaro khamiista ayuun baan haleeli jirey.

Maalin maalmaha ka mida 2022 ayaa waxa lacag i siiyey Mulkiilayaasha dhakhtarka mid ka mida oo la yidhaa Dr.SAED oo ah nin inta uu qof wanagsan yahay wanaagsan.

Markii aan lacagtii qaatay oo cadakeedu dhamaa 100 dollar ayaan is idhi 10 dollar lacag lacag badan ku samee oo 1xbet ku shub.

Wax aan wadoba sidii aan kolba 5 ugu shubaayey waxaan ku isticmaalay 100$ kii wax ka yar 30 daqiiqo anigoo bilaa basa ayaan ka kacay meeshii.
Waa maalintii aan ogaaday in la I haysto oo aanan caadiba ahayn.

Waxa la ii diraa musharka oo waan ku shubaa xaafadaydiina waxaan idhii wali la ima siinin ee suga, waan sababaha aan ku waayey jacaylkii qoyskayga.

Maalintii dambe anigoo is leh dib ha u ciyaarin ayaa waxa lacag ii soo diray mid ka mida dadka ugu wanaagsan ee garabkayga aan marnaba ka bixin ENG FAYSAL CALI XUSEEN oo CANADA ku nool lacagtii isla markii ay ii soo dhacdayba waxa si automatic ah ii hor yimi application 1XBET oo aan is idhi lacagihii uu kaa cunay ka soo cesho dibna ha u ciyaarin.
Waan ku shubay , wax aan wareejiyaba waxaab halkii ka kacay anigoo aan xitaa ilmahahayga oo aan islahaa dawo usii qaad aan 5 dollar ee dawada aan haynin.
Waà waxyaabaha aan ku ogaaday in la I haysto oo aanan cadi ahayn.

Wax ay socotaba Khamiistii waan ka kordhiyey oo waxay noqotay inaan maalmo kale ku daro oo aan 11 duhurnimoba iska tago aanan shaqadaba ku soo noqon.

Waxaan u tegi jirey mid ka mida sxbday oo application 1xbet daraadii Faalig ugu soo booday Alle Ha caafiyee.

Shaqadii markii aan sagsaagay ayaan is idhi ha isku ceeboobina oo waan ka tegey waxa aanan shaqo ka helay dhakhtarka MANILA oo maqaarka qaabilsan oo aan maamule ka noqday waxaana lahaa qofkii ugu wanaagsanaa ee igala talin jirey inaan ciyaaro DR ABDIRAHMAN SOGSOG.

Sidii si le'eg ayaan bilaabay sagsaag iyo inaan waqti u helo inaan ciyaaro shaqaduna kama ay maarmayn in aan anigu wado oo dadka loo shaqynaayo anigaa keeni jirey ( marketing) maamulina jirey meesha.

Meeshi intii hore kor ayaan usoo kiciyey oo waxaanu gaadhsiinay meel fiican lkn muddo ka dib ayaanu is baranay nin ka yimi carabta oo ay 1xbet ka cuntay 75000 oo dollar oo musalafay lkn wuu ii. Amaanay anigoo sidaydii kaleba password aanan iska jebin karin igu xidhan yahay.

Waxaan ku dhiiraday wax aana ab iyo isir u lahayn oo ah in aan qof walba weydiiyo lacag xitaa ka waaya aan ku idhaa bas ii dir oo aan ku shubo.

Muddo ka dib anigoo jooga maniila ayaa waxaan helay khad passport Ethiopian lagu samaynaayo.

Dad badan ayaan u sameey oo gacanta ka saaray 15 gudahood,  dadkiina dad ayey igu soo xidheen.

Habeen habeenada ka mida ayaa inan ii soo diray 4500 $ oo uu igu yidhi passport ii soo samee.

Markii lacagtii soo dhacaday ayaa ileyn waxbaa i jiidanayee aan is idhi niyow caawa 100 Mar ku wada shub aad kala baxdid wixii ay kaa cuntayba'e.

Waan ku shubay , sidii aan kolba wax ugu shubaayey waxaab meeshii ka kacay iyadoo aanan haynin wax ka badan 500 oo dollar 4000 oo dollar ayey iga cuntay.

Waan iska joogay maalintaa shaqadii ma tegin duhurkii ayaan idhi 500 $ ee dollar miyaad kaga soo celisid intaa ay kaa cuntay ileyn qof ayaa passport kii ka sugaayee, intiiba dem way afuuftay.

Anigoo murugaysan ayaa waxa 3500 ii soo diray inankale oo Ina Jibriil Bushaaro la yidhaa oo ardeydayda ka mid ahaa.

Markii lacagtii isoo gaadhay ayaa waxa aan is idhi ileyn kii ka horeeyey ayaa lacatii kaa sugaayee 100 ku ciyaar bal amarka Alle waxa aan habeenkaa ka sameeyey 7000 oo dollar 100 kii dollar.

Markii ay subaxdii noqtay hada waan jaray shaqadii oo cudur daar ayaan u sheegtay si aan lacag badan oo kale uga sameeyo lkn maxaa ka dambeeye 7000 iyo 3400 ayey iga cuntay isla habeen gudihii.

Habeenka waxaan dareenay waddane xanuun iyo in neeftu i dhibayso.

Aroortii ayaan u tegey dhakhtarka wadnaha Maxamed Xasan ee cisbitaalka gargaar.

Waxa uu ii sheegay in wadnahaygu uu halls ku jiro oo dhiikar igu soo booday oo uu qadnaha saameeyey, lkn waxaasi waxa igaga weynaa Sixirka 1xbet iyo lacagtii labada qof ee passportadu iga sugayeen.

Maalin ka dib waxa aan tegey masaajidka  Nakhiil goor Makhrib ah.

Nin aanan garanayn lkn iila muuqday diin badani ka muuqato ayaa markii salaadii laga baxay ee aan kac is idhi gacanta i qabtay oo igu yidhi " waan dareemayaa in dhib ku haystee sheekh u tag wad sixran tahaye.

Waxaan is idhi malaha waa qof xanuunsanaaya hadana iilama uu muuqanin qof xanuunsanayaaya walaahi.
Ileyn nin laga sugaayo 8000 $ dollar ayaan ahaye wax dadkii passport iyo Mustabqayaal iyo dhalashooyin lacagtood ii keenaanba waxaan wax noqotay lacagtii la igu yeeshay 16000 oo dollar.

Hadana waxaa lacag ahi wax ay kaa dhibaysaa ma jirto waxaan is odhan jiray  uun Hadhow ayaad 1xbet kusoo celini.
Lacagtaa waxa iga bixiyey Walaalkay Jimcaale iyo Jago hooyaday lahayd.

Ayaan darada igu dhacday waxaa ka mid ah inaan kala garan waayo waxayga iyo waxa dadka.

Shaqadii Maniila DERMA clinic waan iskaga tegey oo wax aan baxay khuruuj 40 cisho lkn waan dareensanaa in wali wax igu maran yihiin oo waxa aan is lahaa 4 bilood bax 

Aniga oo soo noqday ayaan is tidhi miyaad Sagaljet u shaqo doonatid oo waxa aan u tegey qof ka mida kuwa aan bani aadamka Alle abuuray ugu jecelahay Cabdi Yusuf Aar oo ah Qofka ugu sareeya Sagaljet waxaan ku idhi shaqo ayaan rabaa.

Wuxuu igu yidhi " haye diyaar soo gal".

Waxaan ku idhi dhulkii aan khuruujka u baxay ayaan ku noqnayaa oo dadkii ayaan soo macasalaamaynayaa".
Oki ayuu igu yidhi " waxaan maray ilaa 7 tuulo oo xadka ku teedasan , maalintii dambe ayaan kusoo noqday xarshin.

Anigoo Arbeeko ama hotel la seexdo jooga ayaa waxa ii yimi nin jaadsita oo ciyaaraya bahashii waxa uuna igu yidhi lacag bir ah aan ku siiyee Somaliland iigu bedel 1xbet ayaan ku shabanayaaye waxna waan kaa siin marka ay ii dhashee.
1xbet markii aan maqlay waan isbedelay automatically.

Waan ugu shubay wuuna iga tegey.

Habeenimadii anigoo sii seexanaaya ayuu igu soo garaacay oo aan ka furay waxa uuna igu yidhi " game fiican oo ku dhex jira 1xbet ayaan helay ee numberkaagii ii sheeg " 

Waan u sheegay oo waxa uu ii diray 100$.

Markiiba waxaan weydiiyey gameka magaciisa oo boqolkii ayaan ku shubay oo adeega Ila mushaax ee telesom ayaan kaga shubay ileyn Zaad caadi ahi Ethiopia kama shaqaynaayee.
100 dollar ayaa waxa uu dhalay 950 $ lkn aad ayaan uga xumaa anigoo 16000 oo deyna galay khuruujna baxay inaan ku noqdo lkn waxa iga awoodweynaa waxa i haystay walaahi.

Waxaan Hargeysa kusoo noqday anigoo sita 900 lkn xaafadayda marnaba ma sii wax ka soo baxay 1xbet waana inta ay caruurtaydu ku badbaaday.

Ugu dambayn waxaan shaqo ka bilaabay Sagaljet oo aan abaal weyn u hayo.

Shaqadaydii ayaan bilaabay lkn waan arkaayey in ay wax igu maran yihii Xaaskayguna waxay igu odhan jirtay Cabdiyoow is xakamee oo iska ilaali lacagta shirkadaasi inay Mobilkaaga dhex marto.

Waayo dhibaatada I haysta walaahi xaaskayga iyo familygaygaba waan u sheegay in ay wax iga si yihiin oo aanan caadi ahayn isna xukumi karin oo lacagta aan helaba wax uun iga baa'biinayaan.

Hal Mar uma aan sheegin family gaya ee I. Badan ayaan u sheegay

Xaaskayga oo ah qofka ugu samir iyo dulqaad badab dumarka Soomaali waxaan been ugu sheegaayey 2 sanno oo aanan xitaa biil hagaagsan aanan siinin ama aan ku lahaa la ima siinin iyadoo aan ku shubay 1xbet.

Wax aan shirkadii ka shaqeeyaba oo aan ku ducaysto in Alle Subaxana wa tacaalaa aanu igu fashilin sidii shaqooyinkii hore ayaa waxa si kedisa aanu suuqa ugu kulanay qof ka mid ahaa kuwii aan passport aan u sameeyey 2023 horaantii oo igu lahaa 800 oo dollar wuxuuna igu yidhi sxb xaalad ayaan ku jiraa lacagtaydiina waan u baahanahay isla berri ayaan shaqada kuugu imanayaa.

Talo ayaa igu cadaatay waxa aan hayey lacag aan kusoo iibinaayey Kiishash shirkada ka go'naa.

Markiiba waxa uu shaydaanku igu soo riday Bahashii oo aan waxooga ducooyin iyo adkaar kaga badbaaday.

Markiiba 50 ayaan ku shubay waan waday waan waday ilaa ay iga cuntay 750 oo macaamishaa aan ugu soo iibinaayey kiishash.
Talo way baahday waanan gartay un bahashan sixirkeedu yahay inay kusoo yara dhaweyso Mar inta kalena aad ashahaadato.

Waxan aan u tegey nin Xamse la yidhaa oo iska leh HARGEISA BABY CENTER oo ilaa xad qof fiican waxaanan ku idhi keen lacagtaii boodhadhka laguugu sameeyey waanan ka qaaday oo ay noqotay sidii aan odhan jirey ku ciyaar ninkii lacagtiisii sii ta macaamiishana u celi tana accounta shirkada ku shub marka ay dhasho.

Waana sixirka ku jira ee waxwalba ku odhanaaya imika ayey dhali mid ka badan tii hore, intiina way cuntay.

Shaqadaydiina  waxa aan jabiyey shuruucdeedii oo waxa la igu qaaday qodobka khiyaamo shaqo waan siday tahay oo qofna guntaada iyo qalbigaaga ma ogaan karo.

Anigoo arrin igu cadaaday ayaan maalin khamiisa galin dambe iska tegey Markaska tabliiqiyiinta ee bariga Hargeysa.

Anigoo iska fadhiya halkii kana murugaysan dhacdadaa cusub iyo sida aan waxani iiga hadhayn. Ayuun baa waxa garabka iga taabatay nin sheekha oo igu yidhi " aad baad u ooyaysaaye maxaa ku helay ?".

Waxaan uga sheekeeyey dhibaatadayda aan kala go'a lahayn muddo laba sanadooda wuxuu igu yidhi Mar dhow ayaa la ducaynayaaye sheekhaa u tagoo ku dheh ha la ii duceeyo".
Sheekhii ayaan in yar oo guud Mar ah uga sheegay qisadayda.

Markii la tukaday ayuu yidhii inan walalkeena ayaa inaga codsaday in dhibaatada haysata Alle ka kor qaado ee aamiin dhaha.

Markii aan sunaystay ee cabaar fadhiyey waxa isoo hormaray wixii aan dhib labadaa sano aan ku jiray waxa aaan la yaabay sida jidhkaygu isu bedalay iyo sidaan u ekaanjiay Walaahi walaahi walaaahi waxa aan noqday uun sida nin hurdo riyo badan kasoo kacay.

Lkn waa goorma goor aan wax walba waayey.

Lkn haddana aad ayaan u faraxsanahay inaan maanta xor ahay xaga naftaydaa waxaan sida Caruurta butida looga cabsiin jirey uga cabsanayaa inaan maqlo Magaca 
1xbet walaahi sumadeedaa aan soo dhigay markaan soo qaadanaayey waxaan kusoo qaaday calool adayg.

Guntii iyo gabogabadii ma doonaayo sidaa igu dhacaday iyo sidaa saxiibaday qaar ugu caafimaad waayeen qaarna naftoodii u waayeen in dhalinyaro iyo dad kaleba ay u waayaan.

Dhalinyaroooy walaahi waa halis walaahi waa halis walaahi halis.

Halis aan cidna kuu ogayn Alle ayaa mahad leh iga badbaadiyey inaan naftayda is dhaafiyo oo aan aakhirana meel ka waayo sida ku dhacday asxaab badan oo u ducanaayo inuu Alle jano geeyo.

Bulshooy bahashaasi waa sixir malagii la socdo.

Imisaa qoys u burburay 

Imisaa nin qaali ahaa isu deldelay.

Allah waxaan ka baryayaa sidaa uu iiga saaray inuu qof walba uga saaro.

Saxibkay Cabdirisaaq Maxamed Cabdilahi ayaa igu yidhi habeen aan fogayn waar niyow shaqdaada waxaa kaa galaafatay waxaa aad ciyaarayso.
Walaahi hadlkiisu run ayuu ahaa.

Waxaan dambi dhaaf weydiisanayaa ALLAH سبحانه وتعالى  oo aan qaladka weyn ka galay ina waafajiyey inaan ka noqdo.

Qoraalkan waxaab ugu dhiiraday inaanay ku dhicin dhalinyaro kale 
Wabilaahi tawfiiq

W/Q: Cabdi Caawiye 

Category