Yaa Curyaaminaya Ra’iisul wasaare Xamza?!

Annigoo kaduulaya Aqoonta durugsan ee aan uleeyahay Xamza, waxaan rabbaa inaan dadka Soomaaliyeed u iftiimiyo, in ay jiraan Shakhsiyaad aad uliita, kuna suntan kala irdheynta dadka, xaasidnimo xadkii goosatay, Dallaalnimo, been iyo Marin habaabin, horayna usoo fashiliyay Amiir #Axmed ka ka arimiya #Jubbaland, hadana raba miskiinkan kucusub Siyaasadda (Novice Politician), inay god galiyaan. 

Waxay uwadeen Safar aan ugu magac daray #TalloAyeeyTrip. Safarkaasu malaheyn wax Agenda Siyaasadeed ah, lkn waxay dhabarjab ku aheyd Ummadda Soomaaliyeed ee degan Gobolka Soomaali Galbeed ee u Gumeystuhu kuwareejiyay Maamulka #Abysinnia, now #Ethiopia 1948-54 tii. 

Booqashadda Dhulka Gumeystuhu haysto, Siyaasiyan Waa #Political Blunder. 

Sida Dastuurka Soomaaliya uu dhigayo #Qodobkiisa 7-aad, Faqraddiisa 5-aad, xarafkiisa C, Soomaali Galbeed is part and parcel of Somalia. 

Waxaa intaas siidheer, Maadaama Soomaaliya ay kudhaqanto Nidaamka looyaqaano #Parliamentary System), Ra’iisulwasaaraha ayaa ah midka kufadhiya Xafiiska ugu muhiimsan, laakiin Xamze uma muuqdo qof Awoodaas Dastuuriga ah kafaa’iideysanaya sabab laxiriirta lataliyeyaal ku suntan #MacaanJecelnimo iyo fogeynta cidkasta oo wax kusoo kordhin karta Ra’iisulwasaaraha, iyaguna aan Ehel u aheyn Siyaasadda iyo Dynamics keeda.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa Ra’iisul wasaaruhu inuu baraarugo xilli hore, haddii kale xili aan xiligan aheyn ayuu oggaan doonaa Who is Who!

W/Q:Anwar Abdifatah Bashir

Falladan waxa ay gaar u tahay qoraaga, ma ahan siyaasadda Radio Hormuud

Category