Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeeyay Jigjiga

Jigjiga (RH)-WAR-SAXAAFADEED

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra'iisul Wasaaraha iyo Wafdiga la socda ayaa inta ay joogaan deegaanka Soomaalida, waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan qeybaha bulshada iyo maamulka oo ay kala hadlayaan sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo horumarka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo bulshada deegaanka soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxuna tilmaamay inta uu joogo deegaanka Soomaalida ay wax badan is dhaafsan doonaan.

Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa dhulkiisu ku teedsan yahay gobollo badan oo ay argagixisadu joogaan, taas oo muhiim ah u ah dowladda Soomaaliya in ay iskaashi kala sameyso sidii wadajir loogu sifeyn lahaa kooxaha manaxayaasha ah ee caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed. 

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeeyay JigjigaRaysal wasaaraha Soomaaliya oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeeyay JigjigaRaysal wasaaraha Soomaaliya oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeeyay JigjigaRaysal wasaaraha Soomaaliya oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeeyay Jigjiga


 

Category