Xulka qaranka Soomaaliya oo galabta la ballansan South Sudan

Addis Ababa (RH)-Xulka qaranka Soomaaliya ee 17-jirada ayaa kulanka kama dambeesta galabta la cayaaraha dhiggooda dalka Suudaanta Koonfureed.

Magaalada Addis Ababa, waxaa tan iyo shaley ku qulqulayay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, si ay u garab istaagaan xulka qaranka Soomaaliya.

Soomaaliya, cayaartii rubuc dhammaadka waxa ay gool ku laad uga adkaatay kooxda Uganda, oo ka mid ahaa xulalka loo saadaalinayay in ay koobkan ku guuleystaan.

Labda xul ayaa cayaari doona marka ay saacaddu tahay 3-da galabnimo xilliga geeska Afrika, waxaana haddii xulka qaranka Soomaaliya ay badiyaan ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo koobkan ay ku guuleystaan taarikhda.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa diyaargarowga koobka ku sameeyay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku qaateen tababar adag.

Xulka ayaa intii tartanka uu socday labo jeer badiyay, halka hal mar laga badiyay, waxaana haddii galabta ay badiyaan ay noqon doontaa guul taarikhda u gasha.

Xulka ayaa hamuun gaar ah u qaba inay hantiyaan koob. 

Labada xul marka la fiiriyo, xulka Suudaanta Koonfureed waxaa laga dhaliyay goolashii ugu badnaa intii tartanka uu socday.

Dowladda Soomaaliya ayaa u ballan qaaday haddii xulka galabta uu badiyo in ay la guddoon siin doono abaalmarinno qaali ah.
 

Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi Kenya

Category