Maxaad ka taqaannaa Mahad Karate, hoggaamiyaha awoodda badan ee Mareykanku raadinayo?

Mahad Karate waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka al-Shabaab oo iyaga iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhexmarayo qeyb ka mid ah goboladda Soomaaliya.

Hoggaamiyan ayaa loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalkaas, oo xooggiisu ka socdo gobolka Hiiraan. Dhowr jeer ayuu ururku soo weeraray gobolkaas toddobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii dadka deegaanka oo is-abaabulay iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen dhul balaaran oo muhiim u ahaa kooxdan.

Haddaba, waa kuma hoggaamiyan, oo maxaynu ka naqaan noloshiisa Shabaab kahor, iyo hadda ba?

Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoostagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaatka loo yaqaanno, iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.


Kahor al-Shabaab iyo dowlad burburkii Soomaaliya, waxa uu Mahad ka tirsanaan jiray sirdoonkii Soomaaliya ee dowladdii kacaanka, sida dad kala duwan oo aqoon u leh Mahad u sheegeen BBC. Ma ahan isaga oo keliya, laakiin rag kale oo badan oo ka tirsanaan jiray ciidamadii dowladdii Kacaanka ayaa kahor burburka iyo kadib ba ku biiray ururada Islaamiga ee hubeysan ee Soomaaliya.

Kuwoodda ugu magaca dheer waxaa ka mid ah Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsanaa ururkii Itixaad oo mar ahaa kan ugu balaaran, ugu na awoodda weyn ururada islaamiga ah ee Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay in uu Mahad ka mid yahay aas-aaseyaasha kooxda al-Shabaab, laakiin ma ahan nin magaciisa iyo muuqiisu ba ay aad u shaac baxeen bilowgii kooxda.

Waxa uu ku eedeysan yahay in uu door weyn ka qaatay weeraro iyo qaraxyo ay kooxdu ka gaysatay dalalka deriska ah oo ay Kenya iyo Ugaandha ka mid yihiin. Waxaa ka mid ah weerarkii sanadkii 2015-kii ka dhacay Jaamacadda magaalada Gaarisa ee gobolka  Waqooyi-Bari Kenya, kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

‘Shan milyan oo doolar ayaa dulsaaran madaxiisa’

Kadib weerarkii Jaamacadda Gaarisa, dowladda Mareykanka ayaa duldhigtay shan milyan oo doolar madaxa Mahad Karate. Lacagtaas waxaa loo balanqaaday ciddii keenta xog horseedi karta in lasoo qabto ama la dilo.

Si la mid ah, waxa ay Mareykanku lacag dhan Lix milyan oo doolar ku doonayaan madaxa hoggaamiyeha Al-Shabaab Axmed Diiriye, oo bedelay Axmed Godane oo Mareykanku ku dilay duqeyn 2014-kii. Laakiin Mareykanku weli kuma guuleysan doonistooda. Sidaas oo ay tahay, marar kala duwan ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya shaaciyeen dilka hoggaamiyaha qarsoon, Mahad Karate.

Horraantii bishan, dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeyn ku dilay Cabdullaahi Nadiir oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninka la qorsheynayay inuu la wareego hoggaanka sare ee Al-Shabaab, kadib Axmed Diiriye, hoggaamiyaha xilligan.

.
‘Karate iyo Al-Shabaab ka hor’

Sida uu BBC u sheegay, Janaraal Yuusuf Siyaad Indhacadde oo ay isyaqaanayn Mahad Karate Shabaab kahor, waxa uu ninkan ka tirsanaa jiray ururkii hubeysnaa ee Itixaad, oo loo arko halka uu kasoo bilowday saanqaadka xagjirnimo ee badi hoggaamiyeyaasha al-Shabaab.

Ururkaas ayaa maamulkii ugu horreeyay oo Islaami ah ka hirgeliyay gobolka Gedo kahor inta aysan ciidamada dowladda Itoobiya gudaha usoo gelin gobolkaas bilowgii sagaashanaadkii si ay ula dagaalamaan kooxdan.

Waxa uu sidoo kale ururkaas oo mar maamuli jiray qeybo ka mid ah deegaannada Puntland halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamadii jabhada SSDF ee uu aasaasay madaxweynihii hore ee Puntland iyo Soomaaliya ba Korneel Cabdulaahi Yusuf Axmed.

Waxa uu Mahad Karate ka qeybgalay dagaaladdii dhexmaray ururkaas iyo jabhadii xilligaas jiray, ee ka dhacay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Kadib burburkii Itixaad, Yusuf Indhacadde iyo dad kale oo kala duwan ayaa BBC u sheegay in uu Mahad Karate u guuray dalka Kenya, isaga oo ku noolaa magaalada Nayroobi.

Indhacadde waxa intaas ku daray in Mahad Karate uu ka mid ahaa Koox Soomaali ah oo tagay Afghanistan, halkaas oo la rumeysan yahay inay tababar kusoo qaateen. Waxaa kooxdaas ka mid ah ahaa Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee al-Shabaab, Axmed Godane oo bedelay Ceyrow iyo xubno kale.


Mahad Karate iyo Noloshii Nayroobi

Dad kala duwan, oo xog-ogaal ah oo magacyadooda qariyay sababo amni dartood, waxay BBC u sheegeen in Mahad Karate oo ka shaqeyn jiray shirkad lacagaha xawisha in lagu xiray magaalada Nayroobi kahor inta uusan ku biirin al-Shabaab. Waxa uu xarrigaas dhacay kadib weerarkii argagixiso ee Mareykanka lagu qaaday bishii September 2001dii. Waxaa laga soo xiray xaafadda Islii.

“Waxaa la sheegay in tuhun soo galay. Sidaas ayaa lagu xiray kadibna qareen ayaa loo qabtay, muddo kadib na waa la sii daayay ”, ayuu yiri mid ka mid ah dadka aan la hadlanay, oo si dhow ula socday arrinkan. Siideynta kadib, waxaa la sheegay in Mahad uu tagay Itoobiya halkaas oo uu uga sii gudbay Soomaaliya. Ma jiro dukumeentiyo iyo xog rasmi ah oo dhanka dowladda Kenya ah oo xaqiijinaya ama beeninaya arrinkan.

Xigasho: BBC

Category