Xasan Sheekh oo u dhoofay Uganda xilli dagaal uu ka socdo Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay dalka Uganda, waxaana la filayaa in wafdiga madaxweynaha ay la kulmaan madaxda Uganda.

Bixitaanka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ma cadda safarka madaxweynaha, waana markii labaad oo uu tego dalkaas tan iyo markii xilka uu mar kale loo doortay bishii May ee sannadkan, laakiin ilo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dowladaha bariga Afrika uga codsan laheyd in gacan laga siiyo xasilinta dalka iyo dagaalka socda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khamiistii guddoomiyay shirka golaga wasiirada Soomaaliya, ayaa ka codsaday in shaqada ugu badan ee xukuumadda laga dhigo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ee howlgalka ATMIS ee hoostaga midowga ay ka joogaan Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category