Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyay hey'addaha dowladda

Dhuusamareeb (RH)-Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta kordhiyay mudadda hey'addaha maamulkaas ay heynayaan xilka, waxaana ay ku dareen hal sanno, kadib markii wax laga beddelay dastuurkaas maamulkaas.

Fadhigga baarlamaanka oo ay ku sugnaayeen illaa 56 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in dastuurka wax laga beddelo, mana jirin cid diiday ama ka aamusay.

Mid ka mid ah xildhibaannada codeeyay ayaa sheegay in muddo laga shaqeenayay in qodobo ka mid ah dastuurka wax laga baddelo, lana kordhiyo muddo xileedka hey'adda dowladda sida baarlamaanka iyo xukuumadda.

Muddo xilleedka hey'addaha dowladda ayaa horrey u ahaa afar sanno, hadda waxaa loo codeeyay in loo beddelo shan sanno, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo horrey maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle ay u sameeyeen muddo kordhin hey'addaha dowladda, waxaana Galmudug ay noqoneysaa maamulkii afaraad ee muddo kordhin sameeya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category