Maxaa ka soo baxay shirka golaha wasiirada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

WAR-SAXAAFADEED

MUQDISHO (RH)— Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo maanta ku qabsoomay ayaa looga hadlay arrimo ay sugidda amniga ayada oo dowladda ay bogaadisay dagaallada ay beelaha qaar kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa shirka ku soo bandhigay warbxin la xariirta howl-galladii ugu danbeeyey ee laga sameeyay dalka, sugidda amniga iyo xasillinta deegaannadda laga xorreeyey kooxda Al-Shabaab.

“Shirka Golaha Wasiiradda ayaa lagu boggadiyay abaabulka iyo dhiiranaanta ay beelaha Soomaaliyeed uga hortagayaan, islamarkaana ay isaga difaacayaan argagixisada baneysatay naftooda iyo maalkooda ee ka socda gobollo badan oo ka mid ah dalka, iyagoo garab ka helaya ciidanka qalabka sida,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dagaalladan ayaa xooggooda ka dhacaya gobolka Hiiraan, halkaasi oo maalmihii tegay ay isaga horyimaadeen shacab hubeysan iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa Axaddii ka dhacay degaanka Ceeleey oo qiyaastii 19km bari ka xigta Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana ku dhintay ku dhawaad 13 qof oo laba dhinac ah, sida ay VOA ay u sheegeen dadka degaanka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa toddobaadkii tegay waxay ilaa l20 qof oo shacab ah ku dileen deegaanka Afar Irdood, waxayna sidoo kale gubeen sagaal gaari oo siday badeecado kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre,Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda

 

Category