Boris Johnson oo iska casilay xilka raysul wasaaraha Ingiriiska

London (RH)- Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, ayaa shaaciey inuu ka dagay xilka ra’iisal wasaarenimo.

Boris Johnson, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyey cadaadis uu uga imanayey xubnaha xisbigiisa ee Conservative-ka.

Wuxuu u mahad celiyey dadweynaha Ingiriiska, maadaama ay ku aaminneen jago aad heerkeedu u sarreeyo.

Isagoo hadalka sii wata markii uu ku dhawaaqayey is casilaadda, Boris Johnson, ayaa ku nuux nuux sadey inuu sii heyn doono jagada ra’iisal wasaarenimada, inta mid kale laga dooranayo.

Johnson ayaa tanaasulay ka dib markii in ka badan 50 wasiir xukuumadiisa ay taageereen inuu shaqada ka tego, sida warbaahinta ay baahisay.

Dadka taageeray arrintaas waxaa ka mid ah ninka uu u magacaabay wasiirka maaliyadda wax ka yar 48 saacadood kaasoo si cad ah ugu booriyay Johnson inuu is casilo.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya 

Category