Burcad hubeysan oo kusoo badaneysa Muqdisho

Muqdisho (RH)- Waxa maalmihii dambe sii kordhayay falalka burcadnimada hubeysan ee ay la kulmaan dadka dagan magaalada Muqdisho, iyadoo dhacdooyin kale duwan oo qaarkood ay dhimasho keeneen la soo weriyay dhawr iyo afartankii saacadood ee la soo dhaafay.

Rag hubeysan ayaa xalay magaalada ku dilay marxuum la oran jiray Cusmaan Axmed Macow oo hormuud ka ahaa kuliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Horseed sida laga soo xigtay maamulka Jaamacadda.

Habeen horena waxa loo dhacay xaafado ku yaala degmada Hawlwadaag.

Dhinaca kalena xalay waxa Muqdisho ka socday hawlgal balaaran oo xaafado dhawra ay ka wadeen ciidamada amaanka, kuwaas oo lagu baadi goobayay burcadda hubeysan ee dhaca joogtada ah ku haya dadweynaha magaalada.

Xiggasho: BBC

Category