Kenya iyo Uganda oo ku sigtay inuu dagaal u dhex maro hal gabar darteed

Wargaysyada ugu waaweyn Kenya iyo Uganda oo ay wehliyaan qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa wax ka qoray xogta ku saabsan dagaalkii Kenya iyo Uganda ay ku sigteen ee salka ku hayay gabar la waayay.

Arrintan ayaa dhacday markii ay labada waddan dowladahooda kala hoggaaminayeen Jomo Kenyatta iyo Idi Amin Dada. Xukuumaddii Idi Amin ayaa xilligaas gacan bir ah ku wajahaysay muwaadiniinta u dhashay waddanka deriska la ah ee Kenya oo ay ka dhex baarayeen basaasiinta qarsoon, sida ay qoreen wargaysyada Daily Nation iyo Daily Monitor.

Xiisadda ayaa ka bilaabatay markii labo gabdhood oo reer Kenya ah oo wax ka baranayay jaamacadda Makarere ay damceen inay u safraan dalkooda.

Esther Chesire iyo saaxiibteed Sally Githere oo ay da'doodu ahayd 22 jir ayaa garoonka diyaaradaha ee Entebbe u tagay si ay u raacaan diyaaradda African Airways oo ay ku qornaayeen duullimaadkeeda tirsigiisu ahaa EC629, oo ku wajahnaa magaalada Nairobi.

Gabdhihii oo markii ay kasoo gudbeen waaxda socdaalka ku sugan meesha ay ku sugayeen diyaaradda ayay u imaadeen askar ka socotay laanta la dagaallanka argagixisada ee xafiiska Madaxtooyada Idi Amin, waxayna ka dalbadeen in ay kusoo wareejiyaan baasaboorradooda.

Kaddib waxaa lagu amray; "Nasoo raaca". Askarta oo laga dareemayay qallafsanaan ayaa u muuqday inay si gaar ah u danaynayeen Ms Chesire, oo kasoo jeedday qoys caan ah oo ku dhawaa madaxweyne ku xigeenkii Jomo Kenyatta, oo markaas ahaa Daniel arap Moi.

Su'aashii ugu horraysay ee ay waydiiyeen Ms Chesire waxay ahayd: "Ma hubtaa inaad tahay ardayad wax ka barata Jaamacadda Makerere?"

Xilligaas qofkii lagu shaabadeeyo inuu basaas yahay waxa uu ka mid ahaa dadka galay dambiyada ugu waawayn ee dowladda.

Wargayska Washington Post oo sheekadan wax ka qoray ayaa sheegay in markaas kaddib ay askartii gabadhaha ku dhaheen: "Waan xaqiijin doonnaa inaad tahay ardayad iyo in kale."

Sida ay goor dambe ka sheekeysay Ms Githere oo maqlaysay su'aalaha la waydiinayay saaxiibteed, waxaa markaas kaddib laga dalbaday in ay saxiixaan warqado.

Markii ay warqadaha saxiixeen, Sally Githere waxaa lagu amray inay raacdo diyaaraddii ku wajahnayd Nairobi, halka saaxiibteedna lala haray.

Kooxda dabagalka iyo sirdoonka ee madaxtooyada Uganda kaligeed kama howlgali jirin gobolka, balse waxaa jiray kuwo la mid ah oo ay lahaayeen madaxda dalalka Bariga Afrika qaarkood.

Madaxweynaha Kenya waxa uu lahaa laan gaar u ah oo uu hoggaamin jiray James Kanyotu.

Hoggaamiyihii Itoobiya ee xilligaas Mengistu Haile Mariam waxa uu lahaa kooxdiisa u gaarka ah ee baaritaannada qarsoon samaysa. Waxay kooxdaas lahaayeen xabsiyo iyo maxkamado gaar u ah.

Madaxweynihii Soomaaliya, Siyaad Barre ayaa isagana lahaan jiray koox u qaabilsan difaaca iyo sirdoonka oo loo yaqaanay Hangash, awooddooduna waxay ka madax bannaanayd Laanta Sirdoonka Qaranka ee markaas la oran jiray NSS.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Uganda aad uma wanaagsanayn kaddib markii ay labada dal xorriyaddooda qaateen.

Gabadha sabab u noqon rabtay Dagaal dhex mara Kenya iyo Uganda
Inkastoo horay muwaadiniin u dhashay Kenya loogu waayay gudaha Uganda, sida Dagaalyahankii hornimo doonka Kenya, Kungu Karumba, oo la waayay bishii June ee sanadkii 1974-kii, arrinta Ms Chesire waxay horseedday in labada dowladood ay isku sii xumaadaan.

Waxay sidoo kale kusoo aadday xilli Idi Amin uu sheegtay milkiyadda dhul ku yaalla Kenya, taasoo meel xun gaarsiisay xiriirka diblomaasiyadda.

"Ma jirin arrin xafiiskan uga dhib badnayd taas la xiriirta gabdha. Sababta ay u qarinayeen meesha ay ku sugan tahay lama oga. Waxay taasi naxariis darro ku ahayd waalidiinteeda," ayuu yiri Dr Munyua Waiyaki, oo markaas ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, kiiskaasna si wayn uga shaqeynayay.

Ilaa laga gaaray dabayaaqadii bishii March ee sanadkii 1976-kii, dowladda Uganda waxay ku adkaysanaysay Ms Chesire ay ku xiran tahay meel amaan ah, baaritaanno dheeri ahna lagu waday.

Markii ugu horraysay mas'uuliyiinta reer Uganda waxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya u sheegeen in "gabadhu ay faraxsanayd, su'aalana la waydiiyay."

Blase markii ay dowladda Kenya soo shaac bixisay warka ku saabsan in la waayay Miss Chesire, afhayeen u hadlay militeriga Uganda ayaa bayaan u diray Raadiyaha Uganda, isagoo Kenya ku weeraray "soo bandhigidda" warka ku saabsan in Miss Chesire la xiray kaddibna xabsi la geeyay.

Bayaankaas waxaa dowladda Kenya looga dalbaday in "ay aamusto ayna diiradda saarto dhibaatooyinkeeda u gaarka ah... ayna tahay inaysan faraha la gelin arrimaha khuseeya dowladda Uganda, oo dhaqankeeda uu nadiif yahay, gaar ahaan arrimaha ku saabsan xuquuqda aadanaha."

Afhayeenka militeriga ayaa sidoo kale dowladda Kenya ka dalbaday in ay joojiso "hadallada xun xun ee ka dhanka ah Uganda", isagoo intaas ku daray in dalkiisa uusan wax war ah ka haynin gabadha la sheegay inay maqan tahay.

Wargayska ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabi jiray Nanziri Mukasa-Bukenya, oo ka mid ahayd macallimiinta Jaamacadda ay isku dayday in ay markhaati ka noqoto kiiska, balse gurigeeda ay tageen kooxda sirdoonka ee Idi Amin ayna ka dalbadeen inay xogta markhaatigeeda ka dhigto in in Ms Chesire laga yaabo inay ku maqan tahay fal ay gaysteen dad iyada uu xiriir jacayl kala dhaxeeyay.

Macallimadda ayaa diidday inay markhaatigaas samayso, laddibna meydkeeda ayaa la helay 23-kii bishii June ee sanadkii 1976-kii.

Bishii November ee sanadkaas, guddi loo xil saaray baaritaanka kiiska Ms Chesire ayaa xogtooda kusoo gabogabeeyay in gabadhaas ay u safartay dhinaca Kenya.

Chesire markii ay saaxiibteed ku kala harayeen garoonka waxay u sheegtay inay soo raaci doonto diyaaradda xigta, balse taas ma dhicin. Waligeed dambe lama arkin, lamana ogaanin halka ay ku dambsay.

Intii lagu jiray baadi goobkeeda, dowladda Kenya ayaa gaartay heer ay ku hanjabtay in ay dagaal ku qaadi doonto Uganda, balse xukuumaddii Idi Amin dhag jalaq uma siinin hanjabaaddaas.

Xiisadda u dhaxeysay Kenya iyo Uganda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii arday kale oo u dhashay Kenya lagu garaacay Uganda kaddibna la dhigay isbitaalka Mulago.

Inta badan ardayda lagu waxyeelleeyay Uganda waxay ahaayeen kuwo ka qayb qaatay barnaamij ay Jaamacadda Nairobi ardayda uga baddalanaysay jaamacadaha Uganda.

Idi Amin oo lagu tilmaamo madaxweyne kali talis ahaa ayaa mar ahaan jiray madaxa jaamacadda Makerere ee caanka ka aha dalka Uganda.

Xiggasho: BBC

Category