Warrarkii ugu dambeeyey ee doorashada khilaafka hareeyay ee guddoonka Baarlamaanka

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu waday in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen, taas oo ay u tartamayaan musharixiin dhowr ah. Balse ilaa iyo hadda lama qabanin doorashada, iyadoo ay taagan tahay xiisad.

Ra’iisal wasaaraha Soomalaiya ayaa si deg deg ah uga soo labatay safar uu ku joogay Geneva oo looga hadlayay arrimaha abaaraha, wuxuuna saaka gaarya Muqdisho, isagoo kulamo la leh saraakiisha ammaanka.

Mar sii horreysay wasiirkisa amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday taliyaha booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku taliyay in dib loo dhigo doorashada guddoonka.

Goobta ay ka dhaci lahayd doorashada ee teendhada Afisiyoone ayaa laga celiyey weriyeyaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka. Waxaana lo sheegay in aan wali la so gudbinin liiska dadka oggolaanshaha u haysta inay gudaha u galaan garoonka.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay waxa laga yaalaya xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey iyo midda kale waa arrinta amniga oo uu is qab qabsi ka dhashay.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa amray inay la wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, halka ay ka horyimaadeen madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha Ciidanka Booliska, taas oo xiisadda uga sii dartay. Lama oga sida ay wax noqon doonaan. Shalay ayay ahayd markii xarunta Afisyooni lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.

Xiggasho: BBC

Category