Maxaa ka jira in shaqaalihii ku sugnaa Villa Hargaysa la amray in ka baxaan?

Muqdisho (RH)-Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay arrimaha doorashada ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ku sheegay in taliyaha ciidamada Booliska iyo askar ay xoog ku galeen Villa Hargeysa, ayna ka saareen shaqaaliha baarlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu hor istaagayo doorashada gudoonka Golaha Shacabka, isla-markaana lagu cabsi galinayo howl-wadeennada iyo guddiyada diyaarinaya doorashadaasi, sida uu qoraalkiisa ku sheegay. Ma jiro ilo oo madax bannaan oo xaqiijinaya eedeyntiisa.

"Ujeedka ayaa ah in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada VS. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri" Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Isha: BBC

Category