Dowlad Deegaanka oo diiday go'aan quseeya dhar xirashada dumarka Soomaalida

Jigjiga (RH)-Xukuumada ayaa ka hadashay warqadii aan baahinay ee kasoo baxday wakaaallada korontada ee Jigjiga. Warqaddan wakaaladda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in dumarka ka shaqaynaya xafiiska ay soo xidhaan saraawiil, oo aysan soo xiran dharka dhaqanka Soomaalida.

Wasiirka warfaafinta,Abdukadir Rashid oo warqadaas ka hadlayay ayaa yidhi:

"Warqadaas kasoo baxday xafiiska korontada ee laanta jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay!Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay:

“Marnaba gor-gortan kama galayno gafkan talaabada ku haboona waan kaqaadaynaa!" ; ayuu yidhi Abdiqadir Rashid.

Waxaan sugaynaa tallaabada ku haboon ee xukuumadu ka qaado shirkadda korontada oo hadal hayn iyo caro badan ka dhex dhalisay dadka.

Xiggasho: BBC

Category