Jawaari oo ka warbixiyay marxaladihii ay soo mareen doorashooyinka Soomaaliya

Ardayda daraasadda sare ee Qaanuunka Jaamacadda Ummadda waxaa maanta khudbad u jeediyay, Guddoomiyiihi hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan ( Jawaari).

Runtii wuxuu ahaa cashir dhaxalgal ah, wuxuu si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhda doorashooyinka Soomaaliya 1949---2022.

Dowlad dhiska Soomaaliya caqabadaha soo wajahay iyo horumarka laga sameeyay ayuu si fiican noogu iftiimiyay, waxa ay aheed cashir naga dhammaaday innaga oo aan ka dhargin. Waxaan rabaa in aan si kooban u dul istaago meelaha qaar inkasta oo aanan wada sharxi karin.

Soomaaliya 1949 ilaa 1959 u diyaarinta dowladnimada ( Karti dhis ) Soomaaliya waxa ay gashay laba doorasho.

1960 ilaa 1969 dhismaha Jamhuuriyadii Koowaad ee Soomaaliya dimuqraadiyad dhaxal gal ah waxa ay gashay 5 doorasho laba waxa ahaayeen Baarlamaani 1964 iyo 1969, 1960 AUN Aadan Cadde Madaxweyne ku meel gaar ah 1961 Aadan Caddd Madaxweyne Rasmi ah, 1967 AUN Cabdirashiid Cali Sharmarke Madaxweyne.

1969 ilaa 1991 Kacaankii AUN Gen Maxamed Siyaad Barre doorashooyinka hal xisbi ah oo xeran ( xulasho )
1991 ilaa 2000 Burburkii Dowladda Militariga iyo saameyntii ka dhalatay hal doorasho Madaxweyne AUN Cali Mahdi iyo Baarlamaankii doortay.

2000 ilaa 2022 Baraarug iyo dib u yegleelid 5 doorasho oo kala duwan
2000 MD Cabdiqaasim iyo Baarlamaankii Carta, 2004 AUN MD Cabdullaahi Yuusuf iyo Baarlamaankii Imbagati,
2009 MD Shariif Sheekh Axmed iyo Baarlamaankii Jabuuti lagu dhisay, 
2012 Baarlamaankii Muqdisho lagu dhisay 43 sano kadib iyo MD Xasan Sheekh, 
2017 Baarlamaankii Muqdisho iyo  xarumaha dowlad goboleedyada iyo MD Farmaajo, 
2022 Muqdisho iyo Min laba deegaan doorasho iyo Madaxweynaha xiga?.

Ardayda daraasadda sare ee Qaanuunka Jaamacadda Ummadda

Prof Jawaari Mar uu ka hadlayay doorashada hadda socoto waxaa uu ku tilmaamay midii ugu xumeyd ee dalka ka dhacday, wuxuu ku tilmaamay in ay tahay doorasho aan xulasho aheyn, Doorashadii  la yaqaanna aheyn, wuxuuna ugu yeeray eray bixin cusub oo ah ( Boob-rasho ) mid Boob ku dhisan.

Guddoomiye Jawaari wuxuu aad uga hadlay muhiimadda ay leedahay in doodo adag laga galo dhismaha dowladnimada la isku taago sidii loo badbaadin lahaa.

"10kii sano Soomaaliya waxaa ka dhaca isbadal xaaladeed marka aad u eegto tan 1949" 
Mar la waydiiyay odoriskiisa in 2026 qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah wuxuu ku jawaabay in aanay dhici karin qiyaas ahaan, loona diyaar garoobin balse dedaal loo baahan yahay.

Ardayda daraasadda sare ee Qaanuunka Jaamacadda Ummadda

Waxaan waydiiyay  su'aal  ahayd Maadaama Soomaaliya 10 kii sano isbadal xaaladeed ku dhaco, waxa filan karo 10 sano aan ku jirno 2022 ilaa 2031 Maadaama uu yahay qabiir xog ogaal ah odoraskiisa.

" Waa xaalad adag, waxa ay ku xeran tahay sida aan ula fal galo, u furno dooda adag oo masiiri ah, waa in dastuurka la dhameystiraa, la sameeyaa sharciga muwaadinnimada, waxaan u baahanay in Baarlamaanka 11aad uu 2-da sano ee horeysa shaqadiisa galayaa doorashooyinka soo socda, waa in la dhisaa guddiyadda muhiim ah iyo Maxkamadda dastuuriga ah.

Dhab ahaan wuxuu ahaa  cashir aad u qiimo badan, waxaa mahad celin mudan maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Ummadda gaar ahaan kulyadda daraasadda sare ee Sharciga ( LLM Department) oo suuragaliyay kulanka.

W/Q:Cabdishakuur Cali Axmed

Category