Doorashada shan xildhibaan oo lagu qabtey Gaalkacyo

Gaalkacyo (RH)-Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa xalay lagu doortay magaalada Gaalkacyo, waxayna ka guuleysatay Xildhibaan hore Ubax Tahliil Warsame, kadib doorasho adag oo wareeg labaad la isla aaday.

Kursiga ay Qaali ku guuleysatay ee HOP#060, oo golaha shacabka ku metela koonfurta Gaalkacyo, waxaa 8-dii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Ubax Tahliil.

Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega labaad ee doorashada, waxaa kursigaas guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61-cod, halka Ubax Tahliil ay heshay 40-cod

Afar musharax oo dhamaantood haween ah ayaa ku loolamay kursigaas, maadaama horay loogu asteeyey qoondo haween.

Xiggasho: BBC

Category