Radio Hargeysa oo 80 jirsaday

Idaacadda Raadyow Hargeysa oo kulansatay astaamo badan oo ay kaga duwan tahay idaacadaha kale ee la faca ah ee dunnida, waxay sannadkan u dabbaal-degaysaa 80-guuradii ka soo wareegtay aasaaskeeda. Qoraalkani wuxuu xus iyo xusuus ba u yahay kaalinta ay idaacaddani kaga jirtay nolosha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida.

Aasaaskii Raadyow Hargeysa:

Ilaa inta la xusuusto taariikhda, soomaalidu waxay ku astaysnayd bulsho qaab hadal ah, tix iyo tiraabba, isugu gudbisa farriimaha. Kaydka maanta ugu ballaadhan ee sooyaalka nololeed ee soomaalidu waa suugaanta, waxaana badankeedu ku kaydsan tahay maskaxaha bulshada xafidsan. Waa halka ay salka ku hayso in qaab-odhaaheedku noqdo mid ka mid ah asbaabaha loogu asteeyay soomaalida, ‘bulsho hadal’. Wakhtiyadii maxmiyaddii Ingiriisku ay joogtay Somaliland, iyadoo maskaxda lagu hayo hannaanka ugu habboon ee farriimuhu ku gaadhi karaan bulshada, waxa la istusay in loo baahan yahay cod-baahiye gaadhi kara bulshada. Waxay uga dan lahayd inay dawladdu mariso ogeysiisyada, siyaadaha iyo shuruucda cusub ee markaa ay soo saarto. Waa mid ka mid ah sababaha cad ee loo aasaasay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha dunnida oo dhan.

Sannadkii 1941 ayaa dawladdii Ingiriisku tijaabo gelisay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha. Idaacaddaas waxa la odhan jiray Radio Kudu (Idaacadda Goodir). Itaalkeeda baahineed wuxuu ahaa 100-watt, taas oo markii dambe lagu kordhiyay 600-watt oo kale. Tijaabadaasi waxay socotay ilaa bishii December 1942, wakhtigaas oo si rasmi ah ay u hawlgeshay. Waxa markii u horreysay laga bilaabay xarunta agagaarka Cisbitalka weyn ee Hargeysa ee Taar-dheer. Ilaa sannadkii 1944 waxay idaacaddii Goodir ay ku hawlgalaysay magacaas, waxaana isla sannadkaas magaceeda loo beddelay Hargeysa, Raadyow Soomaali – ‘Halkani waa Hargeysa, Raadyow Soomaali’. Waxa la kordhiyay awooddeeda baahineed, waxaana sannadkii 1945 laga dhigay 1 kilowatt, halka sannadkii 1957 laga dhigay 5 kilowatt. Waa taa sababta ay Raadyow Hargeysa u noqotay idaacaddii u horreysay ee af-soomaali ku hadasha ee dunnida laga hirgeliyo. Hirdankii xornimo-doonku wuxuu keenay in la aasaaso qaybtii afsoomaaliga ee Idaacaddii ‘Raadyow Qaahira’ oo ay dawladdii Jamaal Cabdinaasir ee Masar alkuntay, si halgankii xornimo-doonka Somaliland gacan looga geysto. Taasi waxay soo dedejisay in dawladdii Ingiriisku ay sannadkii 1955 rakibto baahintii BBC, iyadoo la dhexmarayo idaacadda Hargeysa, waxaanay kordhisay awooddii baahineed ee Raadyow Hargeysa oo ay ka dhigtay 10 KW. Sannadkii 1957 ayay dawladdii Ingiriisku furtay laanta afka soomaaliga ee BBC iyo luuqadaha kale ee Xawsaha iyo Sawaaxiliga.

Idaacadda Hargeysa: 80-guurada astaanta xorriyadda & hoyga taariikhda Soomaalida!

Aqoon cusub:

Wakhtiyada ay idaacadda Raadyow Hargeysa bilaabantay iyo muddooyin badan oo ka dambaysay ba, waxay bulshada soomaalida ah, gaar ahaan dadkii ku noolaa Somaliland (Maxiyaddii Ingiriiska ee Somaliland), waxay ku ahayd wax cusub oo soo kordhay. Qofka yaqaanna hab-shaqada idaacaddu amma ugu yaraan fahmi kara sida ay u shaqaysaa, wuxuu ku suntanaa qof dadka aqoon dheer. Goobaha makhaayadaha ee dadka sheeko-wadaagga ah ee waaweyni ay ku kulmi jireen ee magaalooyinku waxay ahaayeen goobaha lagu falanqeeyo aqoonta cusub ee soo korodhay ee ‘birta hadlaysa’.

Sheeko aan ka soo gaadhay looga-qaateen u soo joogay, ayaan u cuskanayaa qodobkan. Waxay ahayd makhaayadda ‘Heegada’, agagaarka saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa ee imika. Waxa halkaa ku taallay makhaayad ay bulshadu ku kulanto, laguna dhegaysto idaacadda Raadyow Hargeysa iyo markii dambeba BBC. Makhaayaddaas waxa yaallay raadyow laga dhegaysto idaacadaha. Habka loo shido ee idaacaddahaa loo geeyo, waxa aqoonteeda lahaa hal qof. Inta uu ninkaasi imanayo, waa la sugi jiray si uu uga hadashiiyo idaacadda. Dhismayaal bidhaanta qofka qarisaa kuma oollin aaggaas, sidaasi darteed, waa la qoollaalin jiray oo qooraansi lagu bidhaamin jiray in uu soo muuqdo. Marka uu yimaaddo, ayaa inta sacabka loo tumo, isna ka hadashiin jiray raadyowga. Sidaas ayay u ahayd aqoon cusub oo soo korodhay.

Doorkii taabbo-galka fanka:

Raadyow Hargeysa ma ahayn oo kaliya goob lagu baahiyo siyaadaha iyo doonista dawladdii maxmiyadda Ingiriiska ee joogtay Somaliland, balse sidoo kale waxay kaalin ku lahayd koboca garaadka bulshada iyo kacdoonnadii faneed ee ka hano-qaaday Somaliland. Waxay kaalin mug leh ku lahayd in ay Hargeysa noqoto; ‘Hoyga fanka iyo suugaanta Soomaalida’. Aan qoraal kooban ka soo garoocdo oo aan soo xigto qoraal aan hore uga qoray sooyaalkii allahaa u naxariistee Axmed Cali Haaruun (Dararamle).

Sannadkii 1956kii ayaa Cabdilaahi-Qarshe iyo Xuseen Aw-Faarax ay hindiseen koox la yidhaahdo WALAALO HARGEYSA, sababta oo ah riwaayadaha Af-Carabi ayaa lagu dhigi jiray. Markaa labadooda ayaa yidhi, aynu samayno koox Af-Soomaali ku dhigta riwaayadaha. Kooxdaas aasaayaashoodu waxay ahaayeen 14 qof. Waxaana xarun u ahayd guri dabaq amma fooq ah oo dhinaca koonfurta kaga soo jeeda Masjid-Jaamaca weyn ee Hargeysa oo ku yaallay qaybtii loo yaqaannay Seketu-liire.

Wakhtiyadaas fannaaniintu waxay si toos ah u tumi jireen heesaha, isla markaana tabin toos ah ayay gabayada iyo wixii kale ee xog ah u marin jireen idaacadda.

Halgankii gobonnimo-doonka:

Danjire ku xigeenka Somaliland ee Itoobita Barkhad Maxamed

Habeennimadii xornimada 26kii June 1960-kii markii ay xorriyadda uga heeseen ‘Beerta Xorriyadda Hargeysa’, ayay kooxdii Walaalo Hargeysa u amba-baxeen Muqdisho. Aan soo xigto qoraalkaa aan ka qoray Dararamle;

“Hal-abuurka Soomaaliyeed madax-bannaanidaa iyo midowgaa waxay ku sawireen Maandeeq oo ahayd hal mataano ku curatay. Hashaa Maandeeq waxa loo tiriyay suugaan faro badan oo aan ka tirmayn taariikhda iyo xiska dadka Soomaaliyeed.

Suugaantu waxay ahayd qalabka ugu roon ee ay dadka Soomaaliyeed ku cabbiri jireen dareenkooda iyo waxa maalintaa taagan; ilaa waqtigan aynu joognona saamayn caynkaas ah way leedahay. Waxaanu muran ka taagnayn in ay Hargeysa beryahaa, xilliyo ka horreeyay iyo in danbe oo badnaydba ahayd xuddunta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Suugaantii lagu soo halgamay, tii lagu dabbaal-degay 1960kii iyo tii markii danbe dawladihii Soomaaliyeed lagu dhalliilayay ama lagula dagaallamayba, lagama badsan Hargeysa. Waxaan odhan karaa wax badan oo lagu darsadayba ma jirin.

Aniga oo aan dedafaynayn dadkii suugaanta kaga dagaal-galay Soomaaliya ama meelo kaleba, waxaan ka hadlayaa waa mugga iyo baaxadda suugaaaneed ee lagu hawl galay, horreyso iyo danbaysoba. Haddii aynu soo qaadanno suugaantii loogu dabbaal-degay xornimadii iyo isku-darkii shaki kuma jiro in aanay Hargeysa cidi la qaybsan. Waxaan taa u maragsan karayaa habeenkii 1dii Juulaay 1960kii oo si loo muuneeyo dabbaal-degyadii Muqdisho ka dhacayay, waxa Hargeysa laga soo dalbaday qayb ka mid ahayd fannaaniintii Walaalo Hargeysa. Taabbo-galka faneed ee guud ahaan Somaliland, gaar ahaanna Hargeysa ka tisqaaday waxa kaalin lama-illaawaan ah ka qaatay Hargeysa, Radio Somali oo 1941kii la furay, ahaydna idaacad af-Soomaali ku hadasha tii ugu horreysay.”

Raadyow Hargeysa waxay door aan la hilmaami ku lahayd halgankii dib-u-xoraynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Aqoonyahankeedii, farsamo-yaqaankeedii iyo saxafiiyiintii milgaha lahaa ee duruufo iyo waayo badan oo kala duwan kaga soo hawlgalay oo qaarkood ilaa maanta ka hawlgalaan, waxay baal dahab ah kaga qoran yihiin taariikhda aan duugoobin ee Raadyow Hargeysa. Muddadii dagaalka lagula jiray taliskii kaliteliska ahaa ee Jamhuuriyaddii Soomaalida afgembiga ku qabsaday, isla markaana xasuuqa ka geystay Jamhuuriyadda Somaliland, waxay idaacadda Raadyow Hargeysa iyo haldoorkeedii qayb laxaad leh ka qaateen dib-ula-soo-noqoshadii xornimada JSL. Wakhtigaas waxay wateen magaca ‘Raadyow Halgan’, waxaana magacii Raadyow Hargeysa dib loo soo celiyay markii qaranka la xoreeyay 1991.

Ababshe:

Raadyow Hargeysa ma ahayn oo kaliya idaacad intaas oo kaalmood kaga jirta sooyaalka nololeed ee soomaalida, hase ahaatee, waa mid ilaa maanta ku jirta kaalinta ababinta afka, aqoonta iyo diinta intaba. Wakhtigii barbaarnimo ee dadka facayga ah ilaa maanta, raadyow Hargeysa waxay noogu astaysnayd/astaysan tahay ababshe, afbare iyo il aqooneed. Ma xusuusto suugaan aan bartay, xafiday amma aan dhegaystay ilaa aan raadyow Hargeysa ka maqlay mooyaane. Waa il-aqooneed iyo diineed oo intaan xusuusto tiraba siddeed jeer ayaa tafsiirka quraanka oo labaatankii sanno ee u dambeeyay uu ka waday Sheekh Maxamed Sheekh Cumar DIrir la soo gunaanaday. Arday badan oo xufaad ah iyo culimo badan oo tafsiirka quraanka iyo aqoonta kale ee diintaba bartay waxay ka aflaxeen Raadyow Hargeysa. Malahayga way yar yihiin inta qof, gaar ahaan da’dii dhalatay 1980aad wixii ka dambeeyay, ee aanay maskaxdoodu ku daabacnayn heeso, suugaan iyo hadallo u ahaa astaan wakhti-sheeg. Aan xuso heestii;

Wallee nin hurdoow, hallowday dantaa!

Idaacadda Hargeysa: 80-guurada astaanta xorriyadda & hoyga taariikhda Soomaalida!

Dhiirigelin, baraarujin iyo in wakhtigii iskuulka la tegayay ay taagan tahay bay uga dhignayd ardayda. Si la mid ah, ayay summad iyo astaan u ahayd in la gaadhay wakhtigii hurdada, haddiiba ardaydu maqasho heestii uu laxanka iyo midhahaba lahaa AUN Rashiid Balluu Ibraahim ee tuducyadeeda ay ka mid ahaayeen;

Tani waa Hargeysoo,

Hirarka gaaban,

Idinkala hadlaysee,

Habeen wanaagsan,

Waan hoyanayaaye,

Habeen wanaagsan…

Haddaad habowdo,

Hirkaad ogaydbaan,

Ka hadlaynaaye,

Habeen wanaagsan.

Gunaanad:

Raadyow Hargeysa waa taariikh astaan u ah xornimo, hal-adayg bulsheed iyo ababshe aqooneed. Bishii inna dhaaftay ee Diisambar, 2021 ayay ugu buuxday 80-guurada ka soo wareegtay aasaaskeeda. Muddadaas waxay cid ka shaqaysa, cid dhegaysata iyo cid ka hadashaba, soo saartay jiilal isugu jira hoggaamiyayaal iyo aqoonyahan kaleba. Waxaynuna u baahannahay xoojinta iyo tayaynta waxsoosaarkeeda oo ay maanta kaalmaha hore kaga jirto idaacadaha kale ee afsoomaaliga ku hadla. Casriyaynta kaydka 80-jirsaday ayaa iyana u baahan in loo meeldayo. Gebogebadii, waxa qoraalkani xus iyo xusuus ba u yahay, cid kasta oo gacan ka geysatay in ay muddada intaa le’eg jirto, isla markaana ahaato il-wareed iyo hoy aqooneed bulshadu wax ka barato. Saxafiiyiinta, injineerrada, maamulka iyo cid kasta tacab gelisay muddadaa ay jirtay iyadoo lagu jiro waayo kala duwan, in dhimatay iyo in noolba, waa kuwo ku suntanaan doona taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

W/D:Barkhad M Kaariye

Category