Wararkii ugu dambeeyay shirka golaha wadatashiga ee galay maalintii saddexaad

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho gaar ahan hangarka diyaaradaha garoonkii ciidamada cirka ee Afisyooni, waxaana shirka ka qeybgalaya ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul gobolleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa maanta galay maalintii saddexaad, waxaana ajandayaasha ugu muhiimsan ee looga hadlayo waxaa ka mid ah, doorashada waqtigeeda la dhaafay, amniga iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Shaley waxa ay madaxdu la kulmeen xubno ka socda bulshada caalamka, sida safiirada ka socda wadamada ugu waaweyn ee taageera Soomaaliya iyo wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, sidoo kale, waxa ay galinkii dambe la kulmeen madaxda musharixiinta xilka madaxweynaha.

Sidoo kale, saaka waxa ay la kulmeen xubno ka socday bulshada rayidka iyo haweenka, waxaana ay kala hadleen sixitaanka habraacyada doorashada oo dood badan dhalisay iyo in la dardargaliyo doorashada xildhibaannada aqalka hoose oo hadda la billaabay.

Ra'iisal wasaare Rooble oo guddoomiyaha shirka golaha wadatashiga qaran

Ururada haweenku waxa ay madaxdu kala hadleen siddii haweenka u heli lahaayeen qoondada 30% ee kuraasta labada aqal ee baarlamaanka.

Illaa hadda si rasmi ah looma sheegin inta maalin ee shirkan uu socon doono, laakin ilo ku dhow shirka ayaa saxaafadda maxalliga u sheegay in la soo gabagabeeyay wadatashiyadii lala sameenayay dhinacyada shirkan uu quseeyo sida wakiilada beesha caalamka, mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, wixii hadda ka dambeeyana ay madaxdu isku laaban doonaan si ay u soo saaraan war-saxaafadeed loowada dhan yahay.

Shirka golaha wadatashiga oo galay maalintii saddexaad

Radio Hormuud
Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category