Itoobiya: 'Intaad Uhuru Kenyatta kala hadleysaan arrimaheenna, annaga toos noola hadla'

Dowladda Itoobiya ayaa ku boorrisay Mareykanka inuu xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah la sameeyo halkii uu Kenya kala hadli lahaa arrimo khuseeya Itoobiya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, ayaa shir jaraa'id ku sheegay in xukuumadda Washington iyo waddamada kaleba ay soo dhaweynayaan inay wadashaqeyn dhinaca diblomaasiyadda la wadaagaan Itoobiya.

"Halkii ay arrimaha khuseeya Itoobiya u qaadi lahaayeen meel saddexaad, waxaan ku casuumeynaa Mareykanka iyo dalalka kaleba in ay si toos ah noola macaamilaan annaga," ayuu yiri Mufti.

Afhayeenka ayaa u muuqday in uu soo gudbinayay farriin ka turjumeysa sida ay Addis Ababa uga carootay tallaabada uu qaaday Mareykanka.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku guuleysatay inay ilaaliso madaxbannaanida Itoobiya iyadoo dusha u ridaneysa cadaadiska uga imaanaya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay islamarkaana dhiirrigelineysa dhaqdhaqaaq dalalka Afrika," ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sharraxaad ka bixiyay xaaladda Itoobiya oo dagaal sokeeye ku jirtay wax ka badan hal sano.

Hadalka kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa ayaa daba socday wararka sheegayay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu madaxweynaha Kenya kala hadlay arrimaha ku saabsan Itoobiya iyo Soomaaliya.

Maxay ka wada hadleen Blinken iyo Kenyatta?

Antony Blinken ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta khadka telefoonka kula hadlay maalintii Talaadada ee isbuucan.

Inta uu socday wadasheekeysigooda, Blinken waxa uu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uu si buuxda u taageerayo dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Uhuru Kenyatta iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Ned Price, ayuu ku sheegay in wadahadalka telefoonka ee madaxweynaha iyo Wasiirka gebi ahaantiisba lagu gorfeeyay arrimaha amniga gobolka iyo danaha guud, oo ay ku jiraan xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

"Dhanka Itoobiya, waxay isku waafaqeen in si deg deg ah loogu baahan yahay xabbad joojin lagu hakiyo colaadda, fududeynta gargaarka bani'aadannimo, soo afjaridda tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo in wadaxaajood lagu xalliyo dagaalka," ayuu yiri Price.

"Dhanka Soomaaliya, xog hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyeyaasha dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay si deg deg ah usoo gabogabeeyaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinnimada iyo sidoo kale in laga dhigo mid xor ka ah ficillo sharci darro ah oo wax u dhimi kara saxnimada natiijada," ayuu sii raaciyay.

Dowladda Soomaaliya dhankeeda ilaa hadda wax war ah kama aysan soo saarin wadahadalka uu xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka la yeeshay madaxweynaha Kenya, kaasoo Itoobiya ay ka soo jawabatay.

Itoobiya ayaa dhexda uga jirta qalalaase ka dhashay ismariwaa siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo xisbiga Tigray-ga ee TPLF, halka Soomaaliya ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo uu horay u sii jiray ismaandhaaf jiitamayay oo ay ku kala fogaayeen hoggaamiyeyaasha federaalka iyo maamul goboleedyada.

 

xigasho BBC

 

Category