Maxaa u banaan Soomaaliya haddii loo xukumo badda oo ay Kenyana ku sii adkaysato go'aankeeda?

Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go'aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ, kaas oo aaddan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go'aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go'aankeeda soo saarto Talaadada soo socota ee 12-ka bishan Octoobar.

Haddaba sharci ahaan muxuu ka dhigan yahay go'aanka Kenya? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaan weydiinnay Cabdisalaan Cabdi oo ah sharci yaqaan ku nool dalka Kenya.

XiggashoL BBC

Category