Oday dhaqameed Hargeysa ku dhaawacay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada

Suldaan Saleebaan (Habaar) ayaa la sheegay inuu gacanta ula tegay Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-banaanida ee Somaliland.

Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje ayaa la sheegay in haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca xildhibaan Guruuje iyo Suldaan Saleebaan ay sabab u ahayd hadallo ay isku waydaarsadeen warbaahinta.

 

xigasho BBC

Category