Jigjiga oo markii ugu horreysay laga furay xarun lagu sifeeyo Kalyaha

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga waxaa markii ugu horreysay laga hirgaliyay xarrun lagu sifeeyo Kalyaha, waxaana dadka deeganka ay markii horre adeegan u tegi jireen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Hirgalinta xaruntan iyo fikirkeeda waxaa lahaa dhallinyaro Soomaali ah, kuwaasoo sheegay in ay uga gun lee yihiin siddii xaruntan ay u noqon lahayd tan ugu weyn dalka Itoobiya ee lagu sifeeyo Kilyaha.

Dr Cabdullaahi Xuseen oo ah maareeyaha isbitaalka Jigjiga ayaa sheegay in dhismaha xaruntan ay ku baxday 17 milyan oo birta Itoobiya ah, maadama ay arkeen dhibka ay bukaanada ku qabaan adeegan oo markii horre loo aadi jiray Addis Ababa.

Waxa uu sheegay in markii horre adeegan ay ku billaabeen dhowr mashiin laakin markii dambe ay ku guuleysteen in la furo xaruntan si looo furo xarun dhiiga ka sifeeya bukaanka.

Adeegan ayaa la sheegay in uu ka jaban yahay adeegii horre ee loogu tegijiray magaalada Addis Ababa.
Qaar ka mid ah dadka tegay xaruta ayaa sheegay in ay dhib ku qabeen in adeegan u aadaan magaalada Addis Ababa, maadama lacag badan ay ku bixin jireen.

Xaruntan ayaa noqon doonta tan ugu weyn deeganka dalka Itoobiya, waxaana lagu dabari doonaa iyadoo ay ka qiima jaban tahay 50% xarumaha nooceeda oo kale ee dalka ka dhisan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category