Giriiga oo dhisay darbi uu kaga hortagayo qaxootiga reer Afkanistaan ee soo socda

Dowladda Giriigga ayaa xadkeeda Turkiga waxa ay ka dhistay darbi 40km ah iyo hannaan lagula soconayo dhaqdhaqaaqa, xilli uu jiro walaac ku aaddan muhaajiriinta badan ee ka soo qaxaya waddanka Afgaanistaan.

"Ficil la'aan ma sugi karno saamaynta ka dhalan karta," waxaa sidaasi sheegay wasiirka ilaalinta muwaadiniinta ee Giriigga, Michalis Chrisochoidis, xilli uu Jimcihii booqanayay gobolka Evros.

"Xuduudahayaga waxa ay ahaan doonaan kuwo aanan laga soo tallaabi karin."

Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xilli Turkiga uu dalalka Yurub ugu baaqay inay qaataan mas'uuliyadda muhaajiriinta Afgaanistaan.

Wahadahadal ay khadka taleefanka ku yeesheen Ra'iisul Wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis, ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa uu u sheegay in dadka aadka u tirada badan ee ka qaxaya waddanka Afgaanistaan ay suuragaltahay inay "loollan adag ku noqdaan qofwalba".

"Mowjad cusub oo muhaajiriin ah ayaan laga hursanayn haddaanan tallaabooyin macquul ah laga fulin gudaha Afgaanistaan iyo Iiraan," Mr Erdogan ayaa yiri.danka Afgaanistaan, ayaa dadka qaar waxa ay ku keentay inay naftooda u cabsadaan ayna dalka isaga baxsadaan si kasta oo ay heli karaanba.

Mr Chrisochoidis ayaa sheegay in dhibaatada ay abuurtay "qaab cusub oo ay muhaajiriinta ugu soo qulqulikaraan" qaaradda Yurub.

Canug yar oo laga gudbinayo darbiga garoonka diyaaradaha ee Kabul, xilli jawaharaarkuna uu sii socdo

Giriigga oo jiidda hore kaga jiray dhibaatadii muhaajiriinta ee 2015 markaas oo in ka badan hal milyan oo qof ay ka soo carareen dagaal iyo saboolnimo ka taagneyd Bariga Dhexe ayaa waxa ay ka soo tallaabeen waddanka Turkiga iyagoo galay qaaradda Yurub, ayaa xilliga dowladda Giriiggu waxa ay sheegtay inay suuragal tahay inay dib u celiso qofkasta oo Afgaani ah oo si sharci-darra ah dalkeeda.

Dadkii galay Giriigga waagii ay taagneyd dhibaatada muhaajiriinta ayaa intooda badan waxa ay u safrene dalalka waqooyiga Yurub, hasayeeshee ku dhawaad 60,000 oo qof ayaa weli dalkaasi ku sugan.

Sanadkii la soo dhaafay magaalada Athens ayaa si ku meel gaar ah waxa ay u joojisay qabashada araajida magangalyada kaddib markii Mr Erdogan uu sheegay in Turkiga uu "albaabada u furay" muhaajiriinta u safraysa Yurub.

Mr Mitsotakis ayaa sheegay in waqtigaas uu Giriiggu xoojiyay "Heerka ilaalinta xadkayaga oo aynu gaarsiinnay meeshii ugu sarraysay", iyadoo ciidammada ammaanka loo daadgureeyay xadka dhulka ee Evros.

 

xigasho BBC

Category