Turkiga ma wuxuu doonayaa in uu dhexdhexaadiyo Abiy iyo TPLF?

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa Arbacadii ballanqaaday inuu gacan ka geysanayo dhexdhexaadinta soo afjaridda dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya, isagoo wacad ku maray inuu ilaalin doono "hufnaanta".

Erdogan ayaa u sheegay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed in dalka "nabadda iyo midnamdiisa ay muhiim tahay".

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa booqasho ku jooga dalka Turkiga, halkaas oo kulamo uu kula qaatay madaxweyne Erdogan iyo madax kale oo dowladdaas ka tirsan.

"Haddii xaaladda ay sii xumaato, dhammaan waddamada gobolka ayay saamayn doontaa," ayuu yiri Erdogan, mar ay si wada jir ah isaga iyo Abiy ay warbaahinta ula hadleen.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa farta ku fiiqay in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka dalka Itoobiya.

"Waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano sidi xal waara loogu heli lahaa dhibaatada, taasi oo ay ku jirto dhexdhexaadinta," ayuu yiri.

Xukuumadaha Ankara iyo Addis Ababa ayaa leh xiriir saaxiibtinimo, waxayna labada hoggaamiye ballan qaadeen inay sare u qaadayaan iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Abiy ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu ku dhisnaanayo "is ixtiraam iyo is aamin leh".

Dhanka kale, Erdoğan oo magaalada Ankara ku qaabilay Janaraal Abdel Fattah Abdelrahman al-Burhan, oo ah guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Suudaan, ayaa sheegay in Turkigu uu sidoo kale diyaar u yahay inuu gacan ka geysto sidii xal nabadeed loogu heli lahaa muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan gobolka Al-Fashaga.

Erdoğan iyo Abiy ayaa goobjoog ka noqday saxiixa heshiisyo iskaashi oo ay ku jiraan arrimaha dhaqaale iyo militariga.

Faahfaahinta heshiisyadan weli shaaca lagama qaadin.

Waqooyiga Itoobiya waxaa ka socday dagaalo, tan iyo bishii Nofembar ee la soo dhaafay, markii Abiy uu ciidamo u diray gobolkaas si ay meesha uga saraan TPLF, oo markaa ahayd xisbiga talada haya ee gobolka.

Dowladda Itoobiya ayaa horey ugu dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah, balse TPLF ayaa dhankooda shuruud ku xiray wadahadal ay la galaan dowladda dhexe ee Itoobiya.

Tobannaan kun oo Itoobiyaan ah ayaa u qaxay xerooyiin qaxooti oo ku yaalla dalka Suudaan. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 400,000 oo qof ay la soo gudboonaatay xaalad macaluul.

Bishii July, QM waxay ka digtay inka badan 100,000 oo carruur ah oo ku nool Tigray in ay ku habsan doonto nafaqo-darro halis ah 12-ka bilood ee soo socda.

Dhibaatada ugu wayn waxay ka taagan tahay sidii gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

 

xigasho BBC

Category