11-ka xildhdibaan ee Puntland ku matalaya Aqalka Sare oo lagu doortay Garowe

Garowe (RH)-Magaalada Garowe waxaa maanta ka dhcday doorashada xubnaha Puntland ku matali doona xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhacday xarrunta baarlamaanka ayaa 11 ka mid xildhibaannada la doortay waxa ay doorashadooda ahayd mid gacan taag ah, halka kursiga uu ku soo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Faroole laga dhigay cod sir ah.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa habeen horre soo soo saaray liiska xubnaha ka qeybgalaya doorashada maanta dhacday.

11-ka xildhibaan ee soo baxay magacyadooda waxa ay kala yihiin:

Doorashada Aqalka Sare ee Puntland

1-Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

2-Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab

3-Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)

4-Cabdillaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde)

5-Cabdirashiid Yuusuf Maxamed Abwaan

6-Daahir Ayaanle Saciid

7-Farxaan Cali Xuseen

8-Seynab Ismaacil Maxamed

9-Cabdiqani Geelle Maxamed

10-Samiiro Maxamuud Jaamac

11-Sareedo Maxamed Xasan

Doorashada Aqalka Sare ee Puntland

Puntland waa maamul goballeedkii saddexaad ee doortay xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka mid noqonaya, waxaa ka horreeyay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa hadda dhiman oo la sugayaa maaullada Galmudug iyo HirShabeelle.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category