Raysal Wasaare Rooble oo kulan degdeg aha isugu yeeray guddiga doorashada gobollada Waqooyi

Muqdisho (RH)-Ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska xukuumadda.

Kulanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ayaa ka dhici doona xafiiska ra'iisal wasaaraha.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay kulamadii wadatashiga ee u dhexeeyay ra'iisal wasaare Rooble, ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Kulanka ayaa la filayaa inuu maanata ka dhaco xafiiska ra'iisal wasaaraha, sida laga soo xigtay xafiiska ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.

Doorashada xildhibaannada aqalka sare ee gobollada waqooyi ayaa la filayaa in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, in kastoo aan illaa hadda xal laga gaarin sida loo qeybsanayo xubnahaas maadama ay isku dhagan yihiin ra'iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda iyo guddoomiyaha aqalka sare.

Doorashada Aqalka sare ayaa ka socota magaalooyinka Soomaaliya, waxaana toddobaadkan iyo ka horreeyay xildhibaanno cusub oo ka mid noqon doona aqalka sare lagu kala doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category