Jig-jiga(RH):-Waxaa maanta guud ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya si rasmi ah uga bilaabmay Imtixaanka fasalka 8aad.
44,144 arday ayaa u fadhiistay imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo ka billaabmay 735 dugsi oo guud ahaan deegaanka ah.
Sidoo kale waxaa maanta imtixaanka u fadhiistey 1,209 arday oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS iyo 98 ka mid ah maxaabiista ku xidhan jeelasha dhaqan-toosinta Dowlad Deegaanka Soomaalida
Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada DDS, Cabdiqaadir Maxammed Shugri ayaa maanta magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ka daah-furey imtaxaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ,
Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada DDS ayaa ardayda kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida u rajeeyay guul