FAALLO:Kala duwanaanshaha u dhaxeeya Wada-Ogol iyo Wadar-Ogol

Waa ereybixin aad u qurux badan, kana mid ah kuwa ka hadlaya dowlinimada iyo nabadda, hase yeeshee inta badan waxaa dhacda in la isku qaldo, oo hadba mid la adeegsado, sidii in ay isku micno yihiin oo kale.

Wada-Ogol

Inta badan ma dhacdo in dadka oo dhami ay hal wax isku wada raacaan, waxaase jira marar dhif ah oo ay koox dad ahi go’aan isku wada waafaqaan, tusaale, xeerbeegtida maxkamadda dastuuriga ah oo aalaaba ka kooban 11 qof ama 9 qof, hadba dalka aad joogtid, waxaa dhici karta in ay isku wada raacaan hal go’aan. Markani waxaa loo yaqaanaa Wada-Ogol.

Wadar-Ogol

Tani waa tan inta badan dhacda, waana in inta badan dadka ay wax isku raacaan, tusaale in haddii afti laga qaado dadweynaha Soomaaliya, ay boqolkiiba 55% ansixiyaan dastuurka kumeelgaarka ah, tani waa Wadar-Ogol.

W/D;Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir

Qoraalkan kama turjumayo siyaasadda Radio Hormuud, waxa ay gaar u tahay qoraaga.

Category