Doorashooyinkii Itoobiya oo dib u dhacay

RH: Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray.

“Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June … ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tiri haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa.

Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta.

“Dhabtii, waxa ay noqotay wax aan macquul aheyn in dhammaantood lagu soo gudbiyo taariikhaha markii hore loo cayyimay.” ayey hadalkeeda ku sii dartay Birtukan Mideksa.

Mideksa ayaa sheegtay in marka la qorsheynayo taarikhda cusub maanka lagu heyn doono xilli roobaadka – oo soconaya bilaha June ilaa September.

Category