Dawlada Ruushka oo doonaysa in ay Filim kusoo jisho dayaxa

RH: Sida ay soo warisey wakaalada wararka ee AFP hay'da aflaamta Ruushka oo kaashaneysa hay'ada cirbixinta hawadada sare ee isla dalkaas ruushka ( ISS) ayaa shaaca ka qaaday in ay bilowday tababarka koox jilayaal ah oo la rabo in sannadkan dabayaaqadiisa loo diro dayaxa si ay unoqdaan kooxdii iyo dawladii u horeysay ee filim kusoo jisha hawada sare.

Waxa hada carbis ku jira jilayaasha reer Raashiya ee kala ah Julia Persild oo 36 jir ah iyo Klim Sjipenko oo 37 jir ah  ku waas oo sida uu qorshuhu yahay hawada sare loo diri doono bisha Oktoobar ee isla sannadkan.

Flimka dayaxa lagu soo jili doono ayaa loo bixiyey " Challenge"  ruushka ayaa sheegay in uu arinkani kor uqaadidoono sumcadooda dhanka aqoonta ay u leeyihiin hawada sare.

Sawirkani waa sawir hore ma khuseeyo sheekada

Sannadkii hore ayey hay'ada mareykana ee loo yaqaano NASA sheegtay in loo baahanyahay in Hollywood gaar ahaan jilaaga Tom Cruise filim ku soo jilo xarunta caalamiga ah ee hawada sare ( International Rumstation). 

balse sida muuqata Ruushka ayaa raba in uu uga horeeyo arintaas si uu taariikhda ugu galo.

Radio Hormuud

News offfice Kolding

Category