Sida looga ciiday magaalooyinka Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Magaalooyinka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah si weyn looga ciiday, waxaana dadka ay salaadda ku oogeen masaajidda iyadoo laga cabsi qabo safmarka ah COVID 19 oo magaalooyinka qaar uu ku soo laba kacleeyay.

Magaalada Muqdisho, raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dad aad u fara badan kula tukaday masjid ku dhex yaalla madaxtooyada qaranka, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa salaaddii ciidda ku oogay masjidka isbaheesiga Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga.

Raysal wasaare Rooble oo la kulmay

Dhinaca kale, magaalooyinka Kismaayo, Garowe, Boosaaso, Afgooye, Gaalkacyo, Jowhar, Beledweyne iyo Baardheere ayaa si weyn dadku ay maanta ugu ciideen maalinta koowaad ciidda soon fur.

Dadweynaha ayaa isugu hambalyeenayay munaasabadda ciidda.

Dadweyne ku tukanaya saladda

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category